2014-08-23

Murrashaxa Madaxweynaha UCID oo dhaliilay cashuuro Wasaaradda Duulistu kordhisay, baaqna u jeediyey Golaha Wakiillada + sababta labada xisbi mucaarad mucaaridad adag ugu waajihi waayeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

“Dawladdii Rayaale mid adag ayey ahayd oo iska caabin jirtay mucaaridada, laakiin dawladdan Siilaanyo waa mid jilicsan oo nugul, aadna u liicaysa, wax walbana way damqayaan”

“Caalamka ayaa ka xiiso dhacaya Somaliland haddii laga tallaabsado dimoqraadiyadda, waxana xisbiga UCID ka go’an in mar la wada qabto labada doorasho ee madaxtooyada iyo Wakiillada”

Waraysi gaar ah – Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa (Jam)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa ku eedeeyey xukuumadda madaxweyne Siilaanyo inay ku fashilantay sii xoojinta nabadgelyada iyo hannaanka dimuqraadiyadda oo uu xusay inay yihiin laba wax oo beesha caalamku in badan ku ammaanaan Somaliland.

Murrashaxa madaxwenenimo ee UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen oo waraysi gaar ah Jamhuuriya siiyey shalay, waxa uu tilmaamay in xukuumaddii marxuum Cigaal Ilaahay ha u naxariistee lagu xasuusto inay ahayd tii salka u dhigtay nabadgelyada iyo hannaanka dawladnimo ee Somaliland, halka xukuumaddii Rayaale lagu majeerto inay ahayn xukuumad hirgelisay nidaamka dimoqraadiyadda.

Jamaal Cali

“Waxa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo laga filayey inay kor u sii qaaddo labadaas qoddob ee nabadgelyada iyo dimuqraadiyadda, waddo kale oo lagu xasuustana jeexato sidii xukuumadihii ka horreeyey, laakiin nasiib-darro taasi ma dhicin oo muddadii xukuumadda Siilaanyo jirtay waxa hoos u dhacday nabadgelyadii Somaliland lagu ammaani jiray, waxana dhacday in sababo dhinaca ammaanka la xidhiidha dalalka jaarka ee Jabuuti iyo Itoobiya xidhaan xadka ay la wadaagaan, taasina waxay muujinaysaa in dalka iyo dawladda Somaliland caalamku ka shakiyey.

Xadadka la xidhay waxay tilmaan ka bixinayaan in aanay nabadgelyada Somaliland ahayn mid la isku hallayn karo, arrintaasina waa wax xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku fashilantay,” ayuu yidhi Mr. Jamaal.

Waxa kaloo uu sheegay in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku guuldarraysatay inay kor u qaaddo hannaanka dimoqraadiyadeed ee adduunku ku ammaano Somaliland, waxaannu yidhi; “Doorashooyinkii is daba joogga ahaa ee dalka ka qabsoomay muddadii Rayaale talada hayey waxay sababeen in ictiraafkii Somaliland soo dhawaado, xukuumaddan Siilaanyo-na muddadii ay talada haysay waxay qabatay hal doorasho oo ahayd tii Golayaasha Degaanka, waxayna noqotay doorashadii ugu foosha xumayd ee Somaliland ka dhacda oo waxa la ogyahay in dhiig badan ku daatay. Iyadoo taasi jirto ayey haddana xukuumaddan mar qudha muddo-kordhin u samaysay goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada, iyadoo lagu sababeeyey in doorashooyinku dalka ku bateen, loona baahan yahay in la is-raaciyo doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, doorashadaasina waxay u muddaysan tahay bisha June ee sannadka 2015, balse waxa muuqata in xukuumaddani ka cago jiidayso inay doorashooyinkaasi qabsoomaan, weli diwaangelintii codbixiyeyaasha lama qaban, Komishanka Doorashooyinka waqtigii ayaa ka dhammaanaya, inkastoo tijaabadii diwaangelinta ee ay dhawaan sameeyeen tahay mid yididiilo leh.”

Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID waxa uu intaa ku daray in Golaha Wakiillada oo la doortay sannadkii 2005 uu hadda xilka hayo muddo shan sanno oo kale oo dheeraad ah, halka Golaha Guurtiduna muddo 23 sanno ah kuraasta ku fadhiyaan, isagoo labada gole ku eedeeyey inay haddana ku hammiyayaan sidii ay muddo-kordhin kale ugu samayn lahaayeen xukuumadda, arrintaasoo uu xusay inay dhaawac ku tahay kalsoonida beesha caalamku ku qabto Somaliland.

“Waxa aannu Golaha Guurtida uga digaynaa inay mar dambe muddo-kordhin sameeyaan iyagoon kala tashan dhinacyada arrimahaasi khuseeyaan oo xisbiyadu ka mid yihiin. Waxa dastuurku jideeyey inay jiraan xaaladdo muddo-kordhin lagu samayn karo, xaaladdaasina xilligan dalka kama jiraan.”

Mr. Jamaal Cali Xuseen oo la weydiiyey su’aal ahayd; ‘Golaha Guurtidu waxay toddobaadkan Guddida Doorashooyinka kula taliyeen inay qiimayn ku sameeyaan dalka oo dhan, wax doorasho ahna aan la qaban haddii aanay guud ahaan Somaliland oo dhan ka qabsoomayn. Arrintaasi miyaanay macquul ahayn? Waxa uu ku jawaabay; “Dalka doorashooyin badan ayaa soo maray, kamanay wada dhici jirin dalka oo dhan tuulo ilaa tuulo oo doorashadii u dambaysay ee Golayaasha Degaanka waxa jiray degaanno aanay ka dhicin, markaa hadalkaas Guurtida ka soo baxay waa mid la iska yidhi oo aan xaqiiq ku fadhiyin, arrintaasina waxay u muuqataa sharci cusub oo hadda la doonayo in nalagu soo rogo, waana mid iska riwaayad ah, wax la qaadan karayana maaha, waanan uga digaynaa oo waxaannu leenahay waxaas aad wadaan ee muddo-kordhin loogu gogol-xaadhayo wax shaqaynaya maaha, shacbiguna ma aqbalayaan, waxaanan doonaynaa in doorashooyinku sidooda u dhacaan oo laga fuliyo ballanqaadyadii madaxweynuhu Golaha Baarlamaanka ka hor sheegay ee uu yidhi, maalin in ii kordhiyo ma doonayo, xilligii KULMIYE mucaaridka ahaana aad ayuu uga qaylin jiray muddo-kordhinta, waxaanad mooddaa in wax kasta oo ay xukuumaddii Rayaale ku dhaliili jireen la macaanaatay xukuumadda KULMIYE.

Dalku shuruuc iyo nidaam ayuu leeyahay, waana in shuruucda la ilaaliyo, doorashooyinkuna sidooda u qabsoomaan, caalamka ayaana ka xiiso dhacaya Somaliland haddii laga tallaabsado dimoqraadiyadda oo kolba muddo-kordhin loo sameeyo cidda xukunka haysa.

Waxa xisbiga UCID ka go’an in mar la wada qabto labada doorasho ee madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, waayo haddii la yidhaa ha la soo horreysiiyo doorashadda madaxtooyada waxay noqonaysaa in Golaha Wakiilladu muddo dheeraad ah iska fadhiyaan, taasina wax shaqaynaya maaha. Haddii la yidhaah doorashada wakiillada ayaa la soo horraysiinayaa waxay noqonaysaa in xukuumadda loo sameeyo muddo-kordhin dheeraad ah, muddo-kordhintuna waa waxa dalku ka cararayo. Waxaannu leenahay sida jadwalku yahay mar ha la wada qabto labada doorasho, waana la wada qaban karaa, waanna loo diyaargaroobi karaa, laakiin haddii dawladdu ka cago-jiidayso waxaannu u sheegaynaa in aanaan oggolayn in maalin loo kordhiyo.”

Isagoo ka jawaabayey su’aal kale oo ah; ‘Xukuumaddu waxyaabihii dhinaca doorashooyinka ee ku xidhnaa way diyaarisay. Golaha Wasiirradu waxay ansixiyeen xeerkii diiwaangelinta, dawladduna miisaaniyadda ayey ku dartay kharashkii kaga hagaagay arrimaha doorashooyinka, markaa taasi miyaanay muujinayn in xukuumaddu diyaar u tahay in doorashooyinku xilligooda ku qabsoomaan?“Xeerka diiwaangelinta xukuumaddu dhawr bilood ayey haysatay, toddobaadkii u dambeeyey ayeyna soo saareen. Waxay ahayd inay mar hore u gudbiyaan Golaha Wakiillada, wayna samayn karaysay inay arrimahaas xilli hore diyaariso, laakiin xukuumaddu way ka cago-jiidaysaa in doorashooyinku qabsoomaan, marka la eego hadallada ka soo baxaya dadka xukuumadda ka ag-dhaw waxay muujinayaan inay doonayso muddo-kordhin loo sameeyo. Midda kale, shaki badan ayaa laga qabaa hoggaanka dalka, mana muuqdo hoggaan talada dalka lagu aamini karo oo muddo-kordhin loo sameeyo. Dalku meel halis ah ayuu marayaa, dhaqaalihiina wuu xumaaday, cashuuro aan Golaha Wakiilladu ansixin ayaa la iska kordhinayaa, xoolihii ummadda ayaa la boobayaa, hantidii ma-guurta ahayd ayaa la xaraashay, markaa maamulkani ma aha mid talada dalka lagu aamini karo.”

Waxa kaloo uu waraysigaa kaga hadlay cashuuro Wasaaradda Duulistu ku kordhisay dadka madaarrada dalka ka dhoofa, “Wixii cashuur ah ee bilaa sharci ah waa in dadweynuhu diido, dadkuna waa inay sharciga bartaan, wixii aan sharci u xalaalayna inay bixiyaan maaha. Haddii cashuuraha la mariyo Golaha Wakiillada oo ay ansixiyaan waa sharci in la bixiyo ay tahay, laakiin haddii aan la soo marin waa wax sharci-darro ah, dalkana waxa jooga wasiirro waxa ay doonaan iska samaynaya oo cid la xisaabtantaa aanay jirin. Cashuur ay doonaan ayey iska kordhinayaan, waxaanad mooddaa in nidaamka kala dambayntii lumay.

Dawladdu haddii shuruucda ay ku fadhido ee dawladda ku tahay ku tumato ama ku dhaqmi waydo waa ayaan-darro, cashuurtan la soo saaray ee farriimaha telefoonka lagu soo diray wax la aqbali maro ma aha, waana in Golaha Wakiillada la mariyo, ilaa hadda ma ogi in arrinaasi ansax tahay iyo in kale, laakiin waxaan Golaha Wakiillada leeyahay waa inay daba-gal ku sameeyaan waxyaabaha shaqadooda ah ee ragga wasiirrada ah iska samaysanayaan oo shaqooda qabsadaan.”

Murrashaxa madaxweynaha oo la weydiiyey sida ay u arkaan furrintaanka xuduudaha Somaliland la leedahay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, isla markaana shuruudaha Itoobiya ku xidhay dadka u tallaabaya dalkeeda oo ah inay faraha ka qaaddo iyo sidoo kale heshiiska Somaliland iyo Jabuuti ku gaadheen in dad sharci haysta u kala gudbaan labada dal, waxa uu yidhi; “Horta waxa labada dawladood ku heshiiyaan way fiican yihiin, laakiin waxaan leeyahay muddada xadku xidhnaaba waxay ahayd dhibaato dalka soo gaadhay,manaan arag wax baaq ah oo dawladdu ku leedahay xadkii waa la furay oo shuruudo ayaa la socda, balse waxaad mooddaa in diblomaasiyadeennii dhaawacday, waana markii u horraysay ee mar qudha la wada xidho xadka Somaliland la leedahay Itoobiya iyo Jabuuti. Marmar way dhici jiray in maalmo ama muddo kooban la xidho xadka, laakiin taariikhda waa markii u horraysay ee mar qudha la wada xidho.”

S: Waxa jira in xisbiyada mkucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI lagu dhaliilo inay ka gaabiyeen doorkoodii mucaaridno, taasina keentay in xukuumaddu aanay cid mucaarid ah waxba isaga tirin, arrintaas ka warran?

J: “Su’aashaasi HAA iyo MAYA labadaba way tahay, laakiin waxaad ogaataa in hay’adda u xilsaaran la xisaabtan xukuumaddu tahay Golaha Wakiillada, dastuurka ayaana awododaas siiyey oo hadday doonaan madaxweynaha ayey maamuus ka xayuubin ku samayn karaan, dalkuna wuxuu ka dhintay waa dhinaca Golaha Wakiillada. Ta kale, labada xisbi mucaarid laftoodu dhaliil wey leeyihiin, balse xisbiyada mucaaridka ah waxay u tudhayaan dalka oo samayn maayaan sidii KULMIYE u caytami jiray markii uu mucaaridka ahaa, kursiga oo qudha ayaana xilligaas u muuqday, annaguna sidaas samayn maynno oo dalka lexejeclo ayaa naga haysa. Midda kale, dawladdii Rayaale mid adag ayey ahayd oo iska cabin jirtay mucaaridada, laakiin dawladdan Siilaanyo waa mid jilicsan oo nugul, aadna u liicaysa, wax walbana way damqayaan, mana laha awood ay ku qaadaan mucaaridada oo xilligan indhihii caalamka oo dhan ayaa soo eegaya, canaan badanna waa loo jeediyaa, annagana waxay nala noqotay in aannu dalka u tudhno, sababtoo ah xilligan caalamku aad ayuu u dhaliilaa xukuumaddeenna oo waxa la sheegaa inay tahay tii ugu musuqmaasuqa badnayn, tii ugu tahriibka badnayn, halka markii Rayaale joogay caalamku ina amaani jiray, taasina waxay keentay in aannu annaguna u yara tudhno, laakiin haddii dawladdan sidan ku sii socoto way iman doontaa inaannu si cad ula xisaabtanno, si fiicanna u muujinno doorkagaya mucaaridnimo,” ayuu hadalkiisa ku soo khatimayey murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID.

style="display:inline-block;width:300px;height:600px"

data-ad-client="ca-pub-6177658246675751"

data-ad-slot="9263104023">

Show more