2015-08-20

Saxafiiyiinta iyo Xarumaha warbaahinta ee ka howgala magaalada Bosaso ee xarunta gobolka bari ayaa cabasho xoogan ka muujiyay handaado, cagojuglayn, Shaqo ka hor istaagid iyo iskudayo xarig  oo maamulka gobolka bari uu kula kacay qaar ka tirsan suxufiyiinta Gobolka ka howlgala ,

Kullan ballaaran oo dhacay magaalada magaalada oo ay ka qaybgaleen dhammaan suxufiyiinta gobolka bari iyo masuuliyiinta ururka suxufiyiinu  Puntland ee MAP ayaa lagu gorfeeyay xaaladda suxufiyiinta, hadadaadka iyo cagojuglaynta joogtada ah lagu hayo iyo waxyaabo ay suxufiyiintu u arkeen inay dhibaato ku tahay howlahooda, islamarkaana ka hor istaagaya shaqooyinkooda.



Maxamed Axmed Welcome

Guddoomiye K/xigeenka ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP Maxamed Axmed Welcome ayaa ku tilmaamay hanadadaada , Cagojuglaynta iyo iskuyada xarig ee maamulka gobolka bari uu kula kacayo Saxafiyiinta mid lidi ku ah jiritaanka iyo shaqada suxufiyiinta ka howlgala gobolka.

“ waxaa jira handadaado iyo cagojuglayn si joogto ah uga imaanaya Maamulka gobolka ee uu hoggaamiyo Yuusuf Maxamed Wacays dhado,  Waxaa jiray in lagula kacay isku dayo xarig  ah wariyayaal ka howgala gobolka bari oo ugu dambeeyay Tifaftiraha mareegto Internetka ee Allcarmo Ibraahim siciid Saalax, , Ilaa iyo hadda ma garanayno wuxuu  u cuskaday xarigaags, Waxaanu ogaanay in xariga uu san ahayn xarig sharciga loo soo marayo, Waxaanuna u aragnaa wax dan kale laga leeyahay” ayuu yiri Guddoomiye K/xigeenka Ururka MAP.

Guddoomiye K/xigeenka ururka MAP Waxaa uu sheegay in Saxaafadu aysan u dulqaad dambe u yeelan doonin, islamarkaana ay u arkaan falalka lagu kacayo saxafiyiinta wax sharafdil ku ah mihnadooda saxafadeed,

” Saxafiiyintii Gobolka iyagoo xushmaynaa sharciga iyo qawaaniinta u yaala puntland, iyagoo dhowraya jiritaanka bulshadda iyo Maamulka puntland, in lo ogolaado in  shaqooyinkooda ay u gutaan si xor iyo hufan, iyagoo cidna aan wax yeelayn” ayuu yiri

Gees kale, Tifaftiraha Website Allcarmo Ibraahim Siciid Saalax oo isna ka hadlay kulan warbaahineedkii ka dhacay magaalada bosaso ayaa ka sheekeeyay jirdil iyo shaqo ka hor istaagid ay kula kaceen Ilaalada Wasiirka Cafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Cuuke  oo  16kii bishan August, 2015  booqanayay degmada carmo ee gobolka Bari

Ibraahim waxaa uu sheegay in Maamulka degmada bari ay ugu yeerayn in tebiyo, qoraalana ka diyaariyo booqashada wasiirka ee xarunta hooyada iyo dhallaanka degmada cari, balse Ilaaladu wasiirku ay ka hor istaageen  inuu gudaha  u galo xarunta.

“Ilaaladu waxay iga horjoogsadeen inay shaqadaydii wariyonimo inaan guto oo tebiyo booqashada wasiirka,Ilaaladu waxay igu garaaceen  qoriga baadkiisa,waxay ii gaysteen jirdil, waxaa jugo ay iga soo gaareen qoorta iyo garbaha” ayuu yiri Tifaftire Ibraahim

Tifaftire Ibraahim waxaa kaloo uu sheegay in lagu daweeyay mid ka mid ah cusbitaalada ugu weyn magaalada bosaso, oo uu haysto warqad cadayn ah oo muujinaysa dhawacyadii  gaaray iyo daawooyinkii la ii qoray.

“ Aniga oo weli ku guda jira inaan la tacaalo nabaradii igu dhacay iyo daaweyntooda,  ayaa waxaa la ii sheegay in booliisku dhowr goor xili habeenimo ah ay tageen guriga aan ka deganahay bosaso, islamarkaana warqad amraysa in la i soo xiro la dhigay kontorolaada magaalada” ayuu yiri Tifafire Ibraahim

Kulanka Warbaahineedka ka dhacay gobolka bari, waxaa kaloo ka hadlay Wariye Axmed muuse Cali (Axmed jookar), Agaasimaha telefishanka Royal tv ee Gobolada Puntland, Waxaana uu ugu baaqay maamulka gobolka bari uu joojiyo handadaada iyo cagajuglaynta uu ku hayo Saxafiiyiinta

Gabagabadii kulanka,Saxafiiyiinta Gobolka iyo Masuuliyiinta Ururka MAP Waxay si wadajir ah baaq ugu direen Madaxda Sare ee Dowladda Puntland, Barlamaanka, Wasaarada Warfaafinta Puntland, Xafiiska u Adeegaha Xuquul insaanka Puntland iyo Hay’adaha ka shaqeeya Xuquuqul insaanka iyo u Qareemida Saxafiiyinta.

Waxayna ka codsadeen inay ka qaybqaataan sidii loo joojin lahaa Handadaada, Cagojuglaynta iyo iskudayada Xarig ee Maamulka gobolka Bari uu kula kacayo saxafiyiinta ka howlgala gobolka Bari.

____________

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Show more