2014-11-04

Muqdisho | QOL | November 4, 2014 | Waxaa ayaan darro ah in  Baarlamaanka Soomaalidu uu madaxa u ruxo  markasta oo madaweynuha Soomaalidu uu usoo jeediyo in ay cayriyaan R/wasaaraha.



Laga soo bilaabo Abdiqaasin Salad ilaa Xasan Sheykh madaxweyne kastaa wuxuu magacaabey 3 R/wasaare oo midwalba baarlamanka loo mary in ay cayriyaan. Haba ha cayriyeen ma rog-rogeen baalaha Dastuurka in xaq u leeyihiin in cayriyaan arrinta la isku hayo darteed, mise qeymeeyeen inta howl ku dacyacmeysa ama xinifta iyo boola-xoofleynta ay Soomaalida dhexdhigayaan. Horaan u iri Muqdisha cadaw aan madadeeda ahayn ma laha maxaayeelay balqiyaasa dhabaatada ay leedahay madaxda oo isku taagan sannad-walba iyo dayaca qaranimada Soomalida haysata.

.

Kamana xishoodaan beesha caalamka oo kaalmeysa iyo shacabka Soomaliya oo ka sugayey wax qabad. Madaweyne Xassan Sheykh Mohamuud waxaa kala weyn Faarax Cabdulqaadir in wasaradda la badalo in dalku burburo. Madxweyne Xassan Sheykh cilmiyada lagu maareeyo laguna hogaamiyo qaran sida “Diplomacy”, Siyasadda iyo sharciyada oo midwaslba Jaamicad looga boxo wadaadku soo ma marin. Qofkuna markii uu san baran oo iskuul u gelin arrimahaah, hibana Ilaahayga deeqda caqliga bixiyaa uusMan u siin, hadde waxa laga sugaa waa hadalada caamada sida “Dadkeygaan dhexjoogaa”.

.

Madaxweynuhu wuxuu eedeeyey beesha calamku in ay soo far gelineyso amuuraha gudaha Soomaliya. Arrintaasi soo wax lagu qoslo maha nin musqusha gurigiisa markuu gelayo askari ajnibi ah ilaalinayo in uu yiraahdo faraha kala baxa saan isu maamuleyno maba garan wadaadku!. Waxaan kula talinlaha haddi uu saadaas amminsanyahay Al- Shaabab ha ku biiro ayagaa diidan beesha calamku howlaha ay kawado Soomaliya. Ma caqligay gelaysaa xoolo ha laysiiyo, asakarna ha la isiiyo, waddankana ha lay la dhiso hana la itaagero siyasiyan ju’na yaan la ii oran waxaan rabaan qasane waano iyo wax u sheegna cidna yey ila soo gelin aan Farax Cabdulqaadir iyo Damu-jadiid ahayn.

.

HAADSANAA!!

.

Markaan  did u eegis ku sameyno Dastuurka ku meelgaarka ah waa ku caddahay qodobkiisa 100 xarafka B in uu R/wasaaruhu awood u leeyahay in magacaabo wasiiro cayrinna karo kuwa jooga kalan badali karo asaga oo aan la tashan Madaxsweyne. Bal Xassan Sheykh ha fasiro meesha uu qodobkaan ka marayo. Tan labaad oo uu ku dhexwareegayo xubnaha baarlamanka si ay mooshin uga keenan Rwasaaraha “Wax-matare” M. O. Jawaari dhiil ma kala gooye oo Soomalidu baratay intii aan hory u aqooni in uu shaqsi qool lagu hayo yahay. Wuu garanayaa Wax- matare Jawaari in aysan arrintaani Baarlamaanku shaqo ku lahayn ee ay tahay in maxkamada sare howsheedii tahay inta maxkamad Dastuuri ah la dhisayo.

.

Sheekada MOOSHIN xagge laga keenay ma danbi buu galay R wasaaruhu haddi uu wasiiro kala badalay maxaa mooshinka keenay. Haddise madaweynuhu aminsanyahay in Dasturku uu san siinayney R/wasaarah awoodaas muu weydiiyo Guddomiyaha maxkamada sare Ceydiid Ilka Xanaf asagaa awoodaas leh maantaye.

.

R/wasarah Cabduweli Sheykh waxaan kula talinayaa in ciddna uga haybeysan awooda dastuurka ah ee qodobka 100 xarifkiisa, sidaasdarteed uu mowqfkiisa ku taagnaado.

.

.

Abdulkadir Aden “Jangeli”

Jangelione@yahoo.com

>

Show more