2017-02-15

Kooxda Difaacaneysa tartanka horyaalada yurub ee Real Madrid ayaa gurigeeda ku soori doonta kooxda reer talyaani ee Napoli taasoo dooneysa iney markii ugu horeysay taariikhdeeda gudubto wareega 16-ka.

Madrid waxey usoo joogtay waqti ay Diego Armando Maradona oo xiran maaliyadda Napoli gool ugu diido garoonkooda Santiago Bernabeu, waana taariikh ku weyn kooxda ka dhisan caasimadda Spain, waxeyna sidaas faleen fasal ciyaareedkii 1987/88,.

Zidane iyo wiilashiisu waxey soo dhameysteen sanad deyr ah madama ay sanadkii lasoo dhaafay hanteen sadex koob, balse sanadkaan wuxuu u noqday mid jiilaal ah oo wata abaaro iyo duufaano madama laga xayuubiyay rikoorkoodii guuldaro la’aanta sidoo kalana la wiiqay awoodoodii tartanka boqorka ee Copa del Rey.



Los Biancos waxaa aafeeyay  dhaawacyo ay wali la tiiceyso, balse Zidane oo ah maareeye wanaagsan ayaa inta badan ka tilaabsaday caqabadahii ka aloolsamay gurigiisa, waxaana ay caawa bilaabi doonaan qadiyadda ay ku raadinayaan koobkoodii 12-aad ee Champions League-ga.

HORDHAC: Real Madrid vs Napoli –

Kulanka: Real Madrid vs Napoli

Tartanka: Champions League (16th Round).

Garoonka: Santiago Bernabeu

Saacadda: 10:45 Habeenimo (XGA).

Garsoore: Damir Skomina (Slovenia)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Gareth Bale ayaa qeybta sare ee martida ka daawan doona kulanka kadib markii la xaqiijiyay inuusan taam buuxa u noqon karin kulanka caawa sidoo kalana Danilo oo dhaawac xun uu soo gaaray kulankii Osasuna ayaa seegaya inkastoo ay inkaar dahsoon la rideen Jamaahiirta midyesan e Los Biancos.

Zidane wuxuu doorbidi doonaa inuu weerarkiisa kusoo bilaabo Karim Benzema kaas oo aan dhaqaaq fiican sameynin kulamadii ugu dambeeyay halka Vazquez ay macquul tahay in lagu lamaanio weerarka.

Dhanka kale Arkadiusz Milik ayaa dib ugu soo laabtay Napoli kaas oo dhaawac dhanka jilibka ah kaga maqnaa, waxaase lasoo warinayaa in wiilka reer Polish uusan fursad u heli karin kulankaan waqti badan waxaana la fahansan yahay in Dries Mertens iyo Lorenzo Insigne oo caawinaad ka helaya wiilkii hore Castilla Jose Maria Callejon ay ku midoobi doonaan weerarka.

XAQIIQADA KULANKA:

Laba Toban Sanadood ayaa laga joogaa markii ugu dambeysay oo ay labadaan kooxood isku arkaan tartamada yurub waana marka qura oo ay is wajaheen, Los Biancos ayaana 3-1 isku cel-celis ah kusoo baxday markii ay 2-0 ku dubatay Napoli kulankii Santiago halka ay ciida talyaaniga barbaro ku galeen.

Si kastaba Real Madrid Sideedii jeer ee ay minan iyo marti u wajahday kooxaha talyaaniga, todoba ka mid ah waa laga soo ciribtiray tartankaan. halka jeer oo ay ka gudubtayna waa xagaagii hore markii ay 16-ka ku dhaafeen As Roma.

Waa xilli ciyaareedkii 20-aad oo ay Real Madrid si xiriir ah usoo gaareyso wareega bug-baxda tartanka Champions League, sidoo kalana lixdii ugu dambeysay waxey gaareysay Semi Finalka tartanka.

Tan iyo fasal ciyaareedkii 2010/11, Real Madrid ayaa guul gaartay 33-ka mid ah 39-kulan oo ay Santiago Bernabeu ku ciyaartay kulamada tartankaan, kaliya labada guuldaro oo ay xambaartayna waxey ka heshay Barcelona April 2011 iyo Schalke March 2015.

Real Madrid marnaba kuma fashilmin iney gool dhaliso 33-dii kulan ee ugu dambeysay oo ay gurigooda ku ciyaaraan Champions League-ga, waana markii ugu dheereyd oo ay sidaas sameeyaan. Barcelona ayaana aheyd kooxdii ugu dambeysay oo Bernabeu ka baxda iyadoon shabaqeeda la taaban April 2011, (2-0).

Sidoo kalana Napoli sadex kulan oo ay banaanka kusoo ciyartay xagaagan kulamada Champions League-ga wax guuldaro ah lama kulmin 2-guul iyo 1-barbaro.

LABADA MACALIN:

ZIDANE: lugta hore waa gurigeena, waxaan dooneynaa inaan faa’iido helno si aan u dhaawacno rajada kooxda naga soo horjeeda, balse sida iska cad sidaas oo kale wey nagu sameyn karaan. Diyaar ayaan u nahay midaasi. Napoli waxey ciyaartaa kubad fiican iyadoo Sarri uu sameynayo shaqo weyn, waaxaana cadeynaya natiijadiisa, wuxuuna noqon doonaa kulanka mid weyn”

SARRI:  Waxaan galeynaa qatar hadii aan ciyaarno difaac ama aan ciyaarno qaab dhex-dhexaad ah,  mana u jeedo sabab aan isku badalno, waxaan u baahanahay inaan aamino nafteen, isla markaana aan ku wajahno fikradii aan ku wajahi laheyn koox difaacaneysa tartanka.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Real Madrid:

Navas; Carvajal, Ramos, Varane, Marcelo; Kroos, Casemiro, Modrić; Vázquez, Benzema, Ronaldo.

Napoli:

Reina; Hysaj, Koulibaly, Albiol, Ghoulam; Zieliński, Diawara, Hamšík; Callejón, Mertens, Insigne.

Show more