2017-03-10

Halyeeygii hore ee kooxda Rangers Ally McCoist ayaa soo jeedinaya in uu yahay qiimo macquul ah qiimaha lagu raadinayo Xidiga weerarka ugu ciyaara kooxda Celtic ee Mousa Dembele kaasoo lagu soo dalbaday £40 million.

Xidiga 21-sano jirada France u ciyaa ayaa lala xeriirinayey kooxa kala duwan tan iyo markii uu Fulham kaga yimid kaasoo haatan wax ka badan 30-goal dhaliyey, kooxa ka ciyaara qaarada yurub ayaa doonaya xidigan in ay la wareegaan sida kooxaha Chelsea iyo Manchester United, waxeyna ku qiimeeyeen aduun lacageed gaaraya £40m.



McCoist ayaa yiri “Celtic dhab ahaatnii way iska iibin doontaa xidigan, ma jirto wax xaqiiqo ah oo ku aadan, balse aniga liguma baadi goobi jirin £30 million ama £40m”

“wuxuu noqon karaa xidiga qiimo weyn leh, aad baan uga helay, wuu soo afjaray, waa mid jir ahaan iyo xirfad ahaan u diyaarsan balse xaqiiqo waxaa ah in ay tahay mid qaldan, dhab ahaantii mid sumcad weyn ku leh kubada cagta wuxuuna noqon karaa midka ugu wanaagsan xulkiisa, waa mid da’yar wuuna sii wadi karaa xirfadiisa cajiibka ah” ayuu kusii daray McCoist.

Show more