2016-12-09

Waxaa soo dhamaaday wareegii group-yada ee koobka Europa League xalayto iyadoo ay soo baxeen 24 kooxood oo kaalimaha koowaad iyo labaad uga soo baxay group-yadooda, waxaana wehlin doona sideed kooxood oo ka soo haray Champions League kuwaasoo iyagana qeyb ka noqon doona isku aadka wareega 32da ee Europa League ee Isniinta la qabanayo.

Isku aadka waxa uu bilaaban doonaa ka dib isku aadka wareega 16ka Champions League, waxaad ka daawan kartaa Eurosport, BT Sport ama beIN Sport laakiin haddii aadan u dhaweyn telefsihin waxaad si toos ah ugala socon kartaa laacib.net oo idiin soo tabin doonta.



Sidee ayuu isku aadka u dhacayaa?

Kooxaha kaalimaha koowaad uga soo baxay group-kooda ayaa ku dhici doona kooxaha kaalimaha labaad uga soo baxay group-kooda. Kooxaha isku wadanka ah iskuma aadi doonaan wareegaan si la mid ah kooxaha isku group-ka soo ahaa.

Waxaa ku soo biiri doona sideeda kooxood ee Champions League ka soo hartay, afarta kooxood ee ugu dhibcaha fiicneyd kooxaha Champions League ka soo haray waxa ay ku biiri doonaan kooxaha kaalimaha koowaad uga soo baxay group-yada Europa League, halka kuwa kale ay ku biiri doonaan kooxaha kaalimaha labaad ku soo baxay.

Ayay Manchester United wajihi kartaa?

United madaama ay ku dhameysteen kaalinta labaad ee group-kooda waxa ay ku soo aadi karaan: Apoel Nicosia, Saint-Etienne, Zenit St Petersburg, Roma, Athletic Bilbao ama Genk midkood, Ajax, Shakhtar Donetsk, Osmanlispor, Schalke, Fiorentina, Sparta Prague, Lyon, Besiktas ama Copenhagen.

Show more