2013-07-24



Maxamuud Maxamed Culusow oo hadda degan dalka Maraykanka ayaa ka mid ah dadka ku mashquulsan sidii Jubbaland looga hortagi lahaa in ay dhisanto, isaga oo qoraalo isdaba joog ah oo ku qoran afka Ingiriiska ku faafiya goobo kala duwan oo ay ka mid yihiin www.allafrica.com, www.hiiraan.com, www.keydmedia.com iyo www.allgedo.com. Haddaba waa kuma Maxamuud Culusow?

Waa nin deegaan ahaan ka soo jeeda Ceel-buur, qaraabana yihiin Yuusuf Garaad iyo Indhacade. Xilal kala duwan ayuu ka soo qabtay dowladihii Soomaaliya, isagoo mar ahaa wasiirka beeraha ee dowladii Kacaanka iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ee dowladii C/llaahi Yuusuf.

Qoraalo uu dhawaan soo qoray ayaa waxaa ka mid ahaa “IGAD oo Rabta in ay Qabiil Dowlad ka Dhigto”  iyo “Maleeshiyada Raaskambooni Waxay Ka Hor Yimaadeen Sharciyada Qaramada Midoobay iyo Tan U.S.”  isagoo markaas ula jeeda in Raaskambooni aysan icitiraafsanayn Dowlada Soomaaliya. Waxaa kale oo uu Kenya & Ethiopia ku eedeeyay in ay beesha Absame u gacan galinayaan Jubbooyinka, arintanina ay horseedi karto in Kenya iyo Ethiopia ay boobaan Soomaaliya. Culusow waxa uu ugu baaqay Raaskamboni in ay ku daydaan kooxda Ahlu Sunna ee Galgaduud, oo ay lacag ka qaataan dowlada Soomaaliya, ka dibna ay ka tanaasulaan arimaha ay ku jiraan.

Dr. Maxamed Cabaas oo ah Guddoomiyaha “Jubbaland Intellectuals”, hadda ka horna ahaa Guddoomiyihii Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Malaysia, ayaa isagu diyaariyey laba qoraal oo ku qoran afka Ingiriiska oo uu kaga jawaabayey qoraalada Mr. Culusow cinwaana uga dhigay “Jubbaland & Guutada Raaskambooni Ma Diidana Dastuurka Dalka, ee Waxay Diidan Yihiin Qaswadayaasha”. Arimaha uu Dr. Maxamed Cabaas ku xusay qoraaladiisa waxaa ka mid ah isaga oo qoray sidan:

Mr. Culusow ha ogaado in Guutada Raaskambooni aysan la mid ahayn mooryaantii USC ee dumisay qaranimadii Soomaaliya.

Mr. Culusow ha ogaado in Jubbaland aysan la mid ahayn Ximan/Xeeb iyo Galmudug oo ah wax ay dhisteen hal jiffo oo ka tirsan beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, kuwaas oo maamulkoodu aanuu dhaafsiisnayn koonfurta Gaalkacyo iyo tuulooyinka la dayacay ee buska iyo boodhka badan ee gobolada dhexe.

Mr. Culusow ha ogaado in dhismaha Jubbaland qaatay in ka badan 5 sano, kana kooban yahay 3 gobol, 15 degmo oo ay degan yihin qabaa’il badan oo Soomaaliyeed, ayna ansixiyeen oday dhaqameedyo dhan 500.

Mr. Culusow ha ogaado in jidka loo maray dhismaha Jubbaland uu yahay nidaamka loo yaqaano afka qalaad: “bottom-up approach”, oo ah dhismaha laga soo bilaabay heer tuulo, cid walibana ka qeyb qaadatay.

Mr. Culusow ha ogaado in Jubbaland ay ka duwan tahay qaabka lagu doortay Hassan Sheekh oo ah laaluush loo qeybiyey xubnaha baarlamanka Soomaaliya, lacagtaas oo laga keenay Qatar. (Waxaa xusid mudan in Dr. Maxamed Cabaas uu xusay in lacag laga keenay Qatar Xassan Sheekh ku laaluushay baarlamanka, ka hor inta aysan soo bixin warbixintii Qaramada Midoobay oo iyaduna arintan xustay.).

Mr. Culusow ha ogaado in uu ka been sheegayo Dastuurka Qaranka maadaama uu Jubbaland ku tilmaamay in ay Dastuurka ka soo horjeedo, isagoo si badheedh ah isaga indha-tiray qodobka 49 ee Dastuurka dalka oo tilmaamaya in laba gobol iyo ka badan ay samaysan karaan maamul goboleed.

Arinta xiisaha badan oo soo jiidatay aqristayaal badan ayaa ah qoraalka hoos ku xardhan oo Dr. Maxamed Cabaas ku xusay in Mr. Culusow yahay nin aad u dadaalaya oo raba in uu dib u qoro siyaasada Soomaaliyeed isagoo u maraya qaab QABIIL, balse dadaalkiisu uu yahay hal bacaad lagu lisay. Waxa uu ku tilmaamay dadaalka Culusow sidii nin cilmi baare ah, oo ka soo jeeda dunida sadexaad, oo aan lahayn taba-bar fiican, oo isla markaasna ku jira SHAYBAAR, isagoo isku qasaya curiyeyaal iyo kiimikooyin, balse nasiib daro ku guul daraystay in uu DAWO sameeyo. Hadalkan oo ku qoran afka Ingiriiska hoos ka aqriso:



 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dagaalka lagu hayo jiritaanka Jubbaland waa mid isugu jira qori iyo qalin. Aqoonyahanada reer Jubaland waxaa loogu baaqayaa in ay qalinkooda ku difaacaan qaddiyada Jubbaland oo iyadu waafaqsan Dastuurka dalka u yaal, balse dad badan oo aan wanaaga jeclayni ay ku dadaalayaan habeen iyo maalinba sidii ay u mijaxaabin lahaayeen.

Qoraaladii Mr. Culusow:

(1)   http://www.hiiraan.com/op4/2013/may/29574/somalia_igad_s_clan_institutionalization_in_jubbaland_death_knell_of_citizenship.aspx

(2)   http://www.hiiraan.com/op4/2013/jun/30015/somalia_raskamboni_militia_challenges_us_un_credibility.aspx

Jawaabtii Dr. Maxamed Cabaas

(1)   http://www.hiiraan.com/op4/2013/jun/30072/raskamboni_opposes_spoilers_not_the_constitution_%e2%80%93_part_i.aspx

(2)   http://www.wardheernews.com/jubbaland-opposes-spoilers-not-the-constitution-part-ii/

Show more