Markii ay burburtay dowladii dhaxe ee dalka sanadkii 1991dii, gobolka Gedo waxaa soo maray fursado dahabi ah, oo hadii si miyir qab ah looga faa’ideysan lahaa ugu yaraan bulshada gobolka wax tari lahaa, hadii kale war tar u noqon lahaa qeybaha kale ee dalka, siiba gobolada deriska la ah ee Jubooyinka.
Nasiib darro jaanisyadaas qaaliga ah waxaa si toos ah iyo si dadbanba isu hor taagay siyaasiyiinta gobolka oo ka bixi waayay khilaafaad aan bilow, dhamaad iyo jiho loogu hagaago toona lahayn, sidoo kalana lagu xanto inay had iyo jeer u suxul duuban samatabixinta danahooda gaarka ah.
Inta badan masuuliyiinta gobolka ayaa weli dabada haya talaxumadii soo daashatay rubuc-qarnigii tagay. Qaar ka mid ah siyaasiyiintii ku soo fashilmay hogaaminta gobolka 24 kii sano ee la soo dhaafay iyo qaar ku soo biiray sanadihii dambe, ayaa maanta caqabad ku ah horumarka gobolka Gedo.
Akhristow si bulshada loo xasuusiyo dhacdooyinkii murugada lahaa iyo dhaawacyadii bulshada gobolka ka soo gaaray talaxumadii raggan iyo weliba godadkii mugdiga ahaa ee ay bulshada ku hogaamiyeen, islamarkaana loogu baraarujiyo la xisaabtanka raggan, waxaa lagamamaarmaan ah in dib loo milicsado CV-yada raggan iyo weliba sooyaalkooda siyaasadeed, siiba wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe.
Marka dib loo milicsado go’aanadi ay qaateen marxaladihii kala duwanaa ee soo maray gobolka, waxaa si fudud loo fahmi karaa hab-fekerka foorara ee inta badan horjoogayaasha gobolka.
Mas’uuliyiintii ku caan baxay talaxumada, had iyo jeerna caqabadda ku ahaa horumarka bulshada gobolka, waa isla kuwa maanta caqabadda ku ah harumarka gobolka iyo guud ahaan Jubbaland, sida Barre hiiraale, ina Kaliil, ina Sayid iyo qaar kaloo la mid ah.
Waxaan soo qaadan doonaa haduu Alle idmo 3 ka mid ah fursadihii dahabiga ahaa ee soo maray gobolka Gedo, oo ay raggan ku khamaareen, kuwaasoo tusaale u noqon kara wadar ahaan fursadihii soo maray gobolka iyo farsamaxumadii dhacday.
Akhristow intaanan u gelin dulucda qormada, bal marka hore aan ku hor marno barashada gobolka Gedo.(Waxaad ka heli doontaa qiso cajiib ah oo aan hubo inaad ka heli doontid).
————————————————————————————————
Milicsi gobolka Gedo?
Gobolka Gedo waxuu dhacaa koonfur-galbeed Soomaaliya, waa gobolka labaad ee ugu badka weyn gobolada Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, waxuu ka kooban yahay 6 degmo oo kala ah, Garbahaarey, Luuq ganaane,Doolow, Beled Xaawo, Baardheere iyo Ceel Waaq.
Dhamaan degmooyinka Gobolka waxaa dega ama u badan beesha Sade Daarood, marka laga reebo degmada Baardheere oo ay beesha Absame wax ka degto, gaar ahaan beesha Caowlyahan, sidoo kale tuulooyinka degmada baardheere iyo Luuq waxaa wax ka dega beelaha Dir iyo raxanweyn.
Barwaaqo sooran
Inta badan gobolka Gedo waa dhul carosan gabiib ah, waxaana ku yar Kaneecada iyo cayayaanka dadka iyo duunyada halakeeya.
Nolosha iyo dhaqaalaha gobolka Gedo waxaa lafdhabar u ah, xoolaha nool, waxsoosaarka beeraha iyo ganacsiga badeecadaha kala gedisan.
Waxyaabaha u gaarka ah gobolkan, ee aysan la wadaagin gobolada kale ee dalka waxaa ka mid ah, waa gobolka kelliya ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ay maraan labo webi, kuwaasoo kala ah, webiga Jubba iyo Daawo.
Sidoo kale gobolka waxuu soohdin dheer la wadaagaa ama isku xiraa dalalka Kenya, Ethiopia iyo Soomaaliya. waa gobolka keliya ee xad la wadaaga laba dal oo deris la aha dalka Soomaaliya,
Marinka ugu caansan ee looga tallaabo dhanka Ethiopia ayaa ah degmada Doolow, halka dhanka Kenyana ay tahay degmada Beledxaawo, iyo Ceelwaaq.
Degmooyinka Beledxaawo iyo Dooloow waxaa mara wabiga Daawo, halka degmooyinka Luuq, Buurdhuubo iyo Baardheere uu maro webiga Jubba. Degmada Doolow waxaa sidoo kale mara webiga Jubba, waana barta ay ku kulmaan labada webi, Juba iyo Daawo.
Degmada Luuq waa sida meel Jasiirad ah, oo ay biyo ku hareereysan yihiin.Xaafadaha magaalada waxay kala raacaan laba daan ee webiga, waxaana laisaga tallaabaa Buundo weyn oo ay dhistey Dowladda talyaaniga xilliyadii ay dalka maamulayeen dowladihii rayadka ahaa.
Intaas waxaa dheer, gobolka Gedo waa gobolka ugu xoolaha badan dalka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Geela oo aad ugu badan.
Dhanka nolosha , caafimaadka iyo waxbarashada waa mid adag, marka laga reebo degmada Doolow oo aad moodo inay ka duwan tahay gobolka intiisa kale, Doolow waa albaabka nolosha gobolka, haday noqoto Amni, dhaqaale, waxbarasho, iyo siyaasad intaba.
Gunaanad : qiso cajiib ah oo gobolka u gaar ah, (geed Qurac ah oo 100 halaad oo mag-dhow ah laga bixiyay).
Dhacdadan oo ka dhacday degmada Baardheere, gaar ahaan deegaanka Faafaxdhuun ayaa dhexmartay beesha Cawlyahan iyo beesha Mariixaan.
(Beesha Cowlyahan waa beel ka mid ah beelaha assal ahaan loogu yimid deegaanka Baardheere, inta badan Ugaasyada beesha Cawlyahan ayaa ku dhashay kuna xabaalan magaalada Baardheere, sida marxuum Ugaas yuusuf iyo marxuum Ugaas Qorane oo labadaba ku dhashay kuna xabaalan magaalada Baardheere, sidoo kale ma hubo in Ugaas maxamuud uu ku dhashay).
Qisada:- Waxaa Jiray geed Abaq(Qurac) ah oo lagu magac’aabo “Geelfariisi”, oo ku yaala deegaanka Faafaxdhuun, (ma hubo haddadan la joogo in Geelfariisi bed qabo ama nool yahay, iyo in dhuxul laga dhigtay, hadii la shitay Alle ha inaga siiyo samir iyo iimaan )
geedkaas waxuu hadda ka hor gorodda isu geliyay labadan beelood, Mariixaan iyo Cawolyahan, ka dib markii uu nin u dhashay beesha Mariixaan (Taxle) sumadda reerkooda ku dhigay geedkan Quraca ah, halka beesha Cawlyahanna u haysatay in Geelfariisi yahay nin Cawlyahan ah oo ay ay magtiisu tahay 100 Halaad.
Beesha Cawlyahan ayaa ku dooday in Geedka la suntay uu ahaa nin Cawlyahan ah,islamarkaana uu 10 ku ahaa 9-ka dab (Jifo) ee ay ka kooban tahy beesha, taasoo la mid ah in beesha Mariixaan (Talxe) ay sumad ku dhigatay nin amaba Jifo dhan oo ku abtirsata beesha Caowlyahan.
Wadaxaajood dheer ka dib beesha Mariixaan (Talxe) waxaay qiratay eedii loo soo jeediyay, waxayna bixisay 100 kii Halaad ee mag’dhow ga ahaa iyo weliba shashafo ama raaligelin.
Gartan ayaa la gooyay ka dib markii laisula baxay qodobo ku xariiqnaa xeerdhaqameed hoosta laga xariiqay waa hore.
(Waagaas ma jirin siyaasadda hadda dadka wareerisay, wax walbana waxaa lagu sar goyni jiray diinta iyo xeerdhaqameed aad u xoogbadnaa)
Akhristow sidaan ku balanay ku soo dhawow faaleynta 3 ka mid ah fursadihii dahabaiga ahaa ee soo maray gobolka Gedo.
——————————————————————————-
FURSADII 1 AAD
Markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee dalka, siyaasiyiinta gobolka waxay awoodeen inay xasiliyaan gobolka oo ay maamul u sameeyaan, hadey doonaan dib ha ka raadiyeen wixii ku saabsan danaha guud ee qaranka, amaba wixii lala wadaagayo gobolada kale ee dalka, xittaa hadii la raadinayo sadbuursi iyo dheeraad, mar walba waxaa saxneyd in marka hore la sugo amaanka gobolka, lana salaxdo qaacida laga duulo, dhaawacana lagu ilaashado.
Dhanka kale gobolka waxuu lahaa jaanisyo iyo fursado badan oo aysan helin inta badan gobolada dalka,. Si ka duwan gobolada Jubooyinka awooda gobolka waxaa loo aqoonsanaa oo keliya bulshada ku dhaqan oo sidaan soo xusnay u badan hal beel, mana jirin beel soomaaliyeed ama siyaasiyiin ka yimid gobolo kale oo hardan ugu jiray awooda iyo maamulka gobolka, marka laga reebo Gen. Caydiid oo uu hamigiisu ahaa inuu gebiahaa la wareego dalka Soomaaliya.
Dhannaan fursadahaas waxay sahlayeen in si fudud loo dejiyo gobolka, balse taas ma dhicin.
Faahfaahinta wixii dhacay (1)
Markii xukunka sida qassabka ah looga tuuray Alla ha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyad, 26 bishii Janaayo sanadkii 1991 dii, waxuu yimid gobolka, waxuuna xarun ka sameystay magaalada Buurdhuubo.
Duqa waxuu billaabay isku dey ah, siduu xukunka iyo talada dalka mar labaad dib ugu hanan lahaa. Dad xog ogaal ah oo xilligaas ku sugnaa gobolka waxay qabaan, in mowqifka Duqu ahaa mid aad u khaldan, sababtoo ah, suuragal ma ahayn in beesha Sade xoog ku maquuniso soomaalida inteeda kale.
Duqa keliya ma ahayn waxa fikirkan qabay, waxaa jiray saraakiil iyo siyaasiyiin badan oo Duqa ku dhiirigeliyay arinkan isaga ah, waxaa kamid ahaa Col. Barre Aadan Shire (Barre-hiiraale, oo lagu xanto inuu yahay masuul talo xumo ku caan baxay.
Dhinaca kale waxaa fikirkan diidanaa saraakiil iyo siyaasiyiin uu hor kacayay Gen. Cumar Xaaji Masalle. Sababaha uu ina Xaaji Masalle ku diidanaa ra’yiga Duqa ma ahayn siyaasad caam ah iyo masalaxa umadeed toona, waxaa jirtay xurguf siyaasadeed oo horay u dhex martaytay labada masuul.
Mr Masalle waxuu ka mid ahaa rag ilaa 8 nin ahaa oo lagu eedeeyay afgambi ka dhan ah madaxweynaha, ka hor intaan xukunka laga tuurin. Ragan oo mar markii hore lagu xukumay toogasho, ayaa markii dambe loogu bedelay Xabsi-daain, balse hadana waxaa mar sadexaad si buuxda loo cafiyay, waqti yar uun ka hor intaanay dhicin dowladda.
Genaraalka oo ka duulaya arimahaas u gaarka ah, ayaa gebiahaan diidanaa in Duqa ku sii nagaado gobolka, iskaba daa in xukun dib loogu celiyo, waxuuna magaalada Nairoobi ku shiriyay koox taageeraashiisa ah, halkaasoo looga dhawaaqay Jabhadii SNF.
Raggii SNF aas-aasay waxaa ka mid ahaa:
1- Gen Cumar Xaaji Masalle oo ahaa gudoomiyaha Jabhadda,
2- Maxamuud Khaliif Shire Mataan ,
3- Mohammed Said Samatar “Gacaliye”,
4- Ahmed Sheikh Ali Ahmed “Burale”,
5. Haliif Mmauhamud Warsame, (khaliif qoryooley
iyo qaar kaloo badan oo isgu jira rag goob joog ahaa iyo qaar dib uga soo biiray, sida:-General Mohammed Hashi Gaani, Col. Abdirizak Issak Bihi, iyo nin magaciisa lagu soo gaabiyay Dr. Cali nuur oo markii dembe noqday gudoomiyaha Jabhadda, (Garabkii la jaalka ahaa Ethiopia)
Akhristow halkaas waxaa ka bilowday ismaandhaafkii ugu horeyay ee la kowsaday hogaanka gobolka markii ay burburtay dowladii dhexe ee dalka.
Iyadoo uu jiro ismaandhaaf iyo kala qeybsanan baahsan, oo aan la arag laba masuul oo hal dhinac wax isula wada, ayaa loo dhaqaaqay dhanka Muqdisho. —————————————————————————————
Duulaankii habqanka ahaa:
Inkasta oo uu jiray khilaaf iyo kala qeybsanaa siyaasadeed, hadana ma ahayn mid shaac ah, ama ay bulshada ka warqabto, waxuu ahaa ismaandhaaf boqnagoys-hoose ah, oo ku koobnaa siyaasiyiinta oo kaliya, dhinaca kale waxaa jiray culeysyo ku soo wajahnaa gobolka oo ka imanayay jabhadihii baacsanayay Duqa, oo isticmaalayay halkudhag ah “Dabargoynta Haraadiga”, sidaas darteed waqtiga iyo jawigaba ma saamaxeynin in xabad laisu qaato.
Iyada oo uu xaalku sidaas yahay ayaa loo dhaqaaqay dhanka Muqdisho, dhinac walba oo ka mid ah garabyada is-huwanna waxuu hamigiisu ahaa inuu isaga ku hormaro caasimadda, si dhinaca kale uu meesha uga saaro.
Duulaanka aan ka fiirsiga lahayn waxaa sii dhiiri geliyay, hub aad u farabadan oo gacanta u galay bulshada gobolka, kaasoo xamaasad ku abuuray madaxda iyo maleeshiyaadka gobolka, sahlayna in si fudeyd ah loogu dhaqaaqo dhanka Muqdisho.
Ciidamadii daacadda u ahaa Duqa ee raafka soo mariyay gobolada Jubooyinka, waxay horay u soo rarteen wixii hub yaalay labada Jubba, Sidoo kale gobolka Gedo waxaa ku yaalay saldhigyo badan oo uu hub badan ku keydsanaa, sida:
1. Garbahaarreey:- Xarunta Gaaska Gobolka Gedo.
2. Luuq iyo Geedweyne:- Xarunta Ururka Libside, Difaaca Cirka ,Ururka Hilaac.
3. Balad Xaawo:- Guutada 77aad, Lidka Diyaaradaha, Madaafiicda Goobta, iyo Gaadiidka Gaashaaman.
4. Malkaharreey:- Xerada Tababarka Ciidanka Xooga Dalka.
5. Baardheere, Sarinleey iyo Maroodilow:- Saldhiga 43aad, Xerada Bulsho ee Ciidanka Xooga Dalka, Xarunta Dabridka Degmada Baardheere.
Dhamaan hubkaas iyo kii laga soo daabulay labada jubaba waxuu gacanta u galay bulshada gobolka Gedo, waxaa la abaabulay maleeshiyaad,
inta badan wixii gaashaan qaad ahaa oo qoriba qaadi karay waxaa deegta loo suray ugu yaraan hal qori, waxaa si qorshe la’aan ah loogu habsaday guud ahaan gobolka Baay iyo qeybo kamid ah gobolka Bakool, ilaa la gaaray deegaanka Waajid. (hal gobol oo raba inuu qabsado 17 gobol waa xeelad iyo farsamo u gaar ah siyaasiyiinta gobolka Gedo!!)
Qalbi kala jira & Qalfoof wada jira:
Ciidamada meesha socda waxaa hogaminaya Marxuum M. Xaashi Gaani oo ka wakiil ahaa SNF (ina xaaji Masalle), iyo Barre Aadan Shire, (barre-hiiraale), oo ka wakiil ahaa Duqa, balse sidaan soo sheegnay ciidamada war uma hayaan ismaandhaafka iyo siyaasaaha is diidan, mid walba oo ka mid ah labadan mas’uulna waxuu ku dadalayay inuu isaga ku hormaro Muqdisho, xisaabtana laguma darsanin, maxaa ka sokeeya, iyo ma awoodnaa toona.
Mudda ka dib Barre hiiraale waxaa u suura gashay inuu qabsado qeyba ka mid ah gobolka shabeelada-hoose, waxuuna gacanta ku dhigay Wanlaweyn ilaa Groonka Balid-doogle.
SNF oo ka xumaatay qabsashada Barre ee Beled-doogle, ayaa si deg deg ah xiriir ula sameysay Jabhadda USC. Waxaa lagu heshiiyay in laiska kaashado sidii Duqa looga takhalusi lahaa, si taas loo gaarana waxaa laisla qaatay qodobobada soo socda.
1) In ciidamada ku sugn aaga Beydhabo iyo Waajid, ee uu hogaaminayay Maxamed Xaashi Gaani, dib loogu daabulo gobolka Gedo, si sijaayadda looga hoos bixiyo Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale), si taaas loo fududeeyana USC waxay soo dirtay lacago farabadan oo loo qeybiyay maleeshiyadkii Beydhabo iyo Waajid ku sugnaa, oo saacado yar ka dib laga war helay iyaga oo ku qayilaya Degmada Beledxaawo.
Taasoo ka dhigan in maleeshiyadii uu hogaaminayay COL. Barre Hiiraale iyo USC laisaga dhex baxay.
2) Waxaa kaloo lagu heshiiyay in Maleeshiyaadka USC la soo dhoobo duleedka Buurdhuubo oo ahayd xarunta Duqa, gaar ahaan dhanka bari ee webiga Jubba oo kala qeybiya gobolada Bay iyo Gedo, si Duqa loo qixiyo.
Ujeedka SNF ma ahayn in Duqa la waxyeeleeyo, sidoo kale maysan rabin in USC qabsato gobolka Gedo, waxay rabeen oo keliya in Duqa laga ceyriyo.
(Waa siyaasad iyo farsamo madaxa ku socota oo u gaar ah siyaasiyiinta gobolka Gedo)
———————————————————
Jabkii Hiiraale,-Jufbixii dhalinta, iyo Jalaafadii SNF
Subixii dambe UCS waxaay isweer ka qabatay Barre Hiiraale oo dhex fadhiya garoonka Belid-doogle, ciidamadii uu watay marka laga reebo wixii goobta ku dhintay,waxaa nolol lagu qabtay 400- 500 oo askari.
Inta badan raggii nolosha lagu qabtay waa la gumaaday, waloow la sheegay in tiro aad u yar ay markii dambe soo badbaadiyeen ciidamadii caalmaiga ahaa ee UNOSOM.
Tiro yar oo uu ka mid ahaa Korneylka ayaa u firxaday dhanka gobolka Gedo, inta badan waxay u dhinteen duuf iyo haraad, amaba waxaaba gumaaday qabaailadii deegaanka oo colaad bishimaha la qaniinsanaa.
Dhanka kale gebiahaan wixii saanad ciidan ahaa ee ay wateen ciidamada Barre waxaa gacanta ku dhigay maleeshiyadii USC.
Waad fahmi kartaa Askari ka firxaday Shbeelaha hoose oo lugeeyay ilaa Gedo, oo intaa sii dhex socday qabaaillo col ah, weliba xilli Jiilaal ah islamarkaana aan wadanin biyo iyo raashin midna. Waxaa nabad ku tagay tiro yar oo uu kamid ahaa Col.Barre, oo dhowr ucbuuc ku gaaray gobolka Gedo.
Jabhadda USC oo ku carartay laamiga, ayaa durba iska xaadirisay aaga Beydhabo. Maalmo yar ka dib USC oo ka baxday balantii la isku ogaa, ee ahayd inaysan qabsani gobolka Gedo, keliyana ku ekaato caga-jugleynta Duqa, ayaa cagta marisay xaruntii Duqa ee magaalada Buurdhuubo ee bartamaha gobolka Gedo, waxay ku xijiyeen Caasimadii gobolka Garbahaarey, maalmo ka dibna waxay qabsadeen degmada Beledxaawo.
Daawo USC oo qabsatay hoygii uu ku noolaa Marxuum Maxamed Siyaad ee Buurdhuubo http://www.youtube.com/watch?v=JNaE6Q1PWmE#t=81
Akhristow ismaandhaafkii u dhexeeyay madaxda gobolka waxaa xalisay Jabahadda USC. oo hal wado marisay labadii garab ee is diidanaa, sidaasaana gebiahaan lagu soo afmeeray murankii ka dhex aloosnaa labada garab.
Natiijada iyo miraha laga gurtay siyasaddii foorartay ee madaxda gobolka waxay noqotay:-
In dab la saaray boqolaal wiil,
-In gobolkii loo gacan geliyay Jabhad diirata ah,
-In bulshadii gobolka loo horseeday dulli, gumeysi, gumaad iyo sharafdhac,
-In hubkii faraha badnaa si sahal ah loogu gacan geliyay USC, oo welibana lagu gumaaday isla bulshadii gobolka.
Xuquuqda qoraalkan waxay u dhowran tahay Qoraaga ku saxiixan, lama ogola in wax ka bedel lagu sameeyo ogolaansho la’aan. Waa la ogol yahay in la faafiyo hadii la xusayo magaca milkiilaha.
la soco qebta xigta & Fursadii 2 aad
———————————————————————-
FURSADII 2 AAD
Akhristow soomaalida waxay ku maah-maahdaa, “Tala xumo waa lagu tala bartaa” balse maah-maahdaas ma aha mid u taala siyaasiyiinta gobolka Gedo.
Markii gobolka laga saaray Jabhadii lagu soo hogaamiyay ee USC , oo sidoo Kalana gobolka laga sifeeyay ururkii Alitixaad, ka dib gacan laga helay dowladda Ethiopia, waxa sahlaneyd in si fudud gobolka maamul loogu sameeyo, dhanka kale dowladda Ethiopia oo dagaal kula jirtay Ururka Al-Itixaad waxay ula diyaarsaneyd caawimaad dhan walba ah, balse nasiib darro sidii caadaahayd lagama faaideysanin.
Markan hawadii Muqdisho meelbaa laiska dhigay diiraddana waxaay saarantahay gobolada Jubooyinka, dhanka kale la soco weli majaraha siyaasadda gobolka waxaa haya ragii hore, sida Barre Hiiraale.
(Waxaa xusid mudan in intii uu socday dagaalkii lala galay Al-Itixaad uu Barre Hiiraale ku sugnaa degmada Baardheere si nabad ah, kama qeyb qaadanin dagaalkaas isaga ah. Iskaba daa inuu ka qeyb qaato, waxuu u kala gooshi jiray Baardheere ilaa Beledxaawo, waxaa sida madaxda looga qaadi jiray Isbaarooyinka ururka Al-Itixaad, halka siyaasiyiinta kale iyo cidii lagu tuhmo inay ku lug leedahay wax siyaasad ah baaruurta lagala degi jiray.
Markaan helay macluumaadkan cajiibka ah, waxaan soo xasuustay ciidamadii sanadkii hore ka soo hayaamay gobolka Gedo, ee soo jiiray isbaarooyinka Alshabaab ee hadana sheeganay Ciidamo-Dowladeed).
Faahfaahinta wixii dhacay (2)
Dagaal faraha looga gubtay oo ay bulshada gobolka la gashay Jabhadii USC waxaa suuro gashay in USC laga saaro gobolka, balse islamarkiiba hadana waxaa la wareegay ururkii la oran jiray Al-itixaad oo intii hore ku mashquulsanaa dhismaha cududdiisa ciidan, sidoo kale ma jirin cudud ciidan oo u babacdhigi kartay Itixaad, maadaama awoodii gobolka horay ugu wiiqantay sababo la xiriira maamulxumadii madaxda gobolka iyo dagaaladii markii dambe lala galay USC.
Waxaa loo baahday ama khassab noqotay in la helo kaalmo dibadeed, si laisaga caabiyo Al-Itixaad oo markii lagu soo jabiyay dagaaladii ay ku qaadeen Puntland isugu habar wacatay gobolka Gedo.
Heshiiskii Hawaase:- Generaalka oo ay la socdaan 4 sarkaal oo SNF ah ayaa subaxii dambe u tallaabay dhanka Ethiopia, halka madaxda qaar ay diidanaayeen in Ethopia kaalmo la weydiisyo. Halkaas waxaa ka bilowday khilaaf cusub oo soo kala dhex galay madaxda gobolka, oo aan markii horaba la arag waxay heshiis ku ahaayeen.
Magacyada ragii u tallaabay dhanka Ethiopia:
1) Jeneraal Cumar Xaaji Masalle , Hogaamiyaha SNF
2) Dr. Cali Nuur
3) Col. Xuseen Shekh Cilmi
4) Xasan Cabdi Xiireey (Xasan deer)
5) Ciise Ugaas Cabdulle
Waa kii Ethiopia ay la galeen heshiiskii loogu magac daray “Hawaase”, hashiiska waxuu dhigayay in Ethiopia gudaha u geli karto gobolka Gedo, si ay ula dagaalanto ururka Al-Itixaad, iyo in ururka SNF Ethiopia siiso taakulo dhan walba ah, si meesha looga saaro Al-Itixaad.
Akristow waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah, in shantii nin ee soo khilaaftay raggii kale ee saaxibood ahaa ee diidanaa in Ethopia kaalmo la weydiisto, in hadana iyagii isku khilaafeen madashii shirka.
Sadex ka mid ah waxay codsadeen in ciidamada Ethiopia gudaha u galaan gobolka, halka labadii soo hartayna codsadeen in taakulo oo keliya la siiyo,oo ciidamada Ethiopia aysan gudaha u gelin gobolka.
Saraakiishii Itoobiyaanka ahaa ee madasha fadhiyay ayaa labadii nin ku qanciyay in laga cod batay, sidaasaana lagu ansixiyay in Ciidamada Ethiopia gudaha u geli karaan gobolka Gedo.
Ciidamada Ethiopia oo gudaha u soo gashay gobolka: Ethopia waxaay cagta marisay gebiahaan saldhigyadii xuduuda ku teedsanaa ee Al-Itixaad. sidoo kale waxay qorsheysay in gobolku yeesho maamul saaxiib la ah oo ay iska xijiso dhanka Al-itixaad. Ethiopia arinka isaga ah waxay u igmatay Jabhadda SNF waxayna bilowday tababarada ciidamo boqolaal ah oo aad u qalabeysan, dagaalo lagu hoobtay ka dib waxaa suura gashay, in gobolka laga sifeeyo Ururka Al-Itixaad.
Gedo oo laga hayaamay: Goortii laga faraxashay ururkii Al-Itixaad ee la rabay in gobolka la dejiyo, waxaa la bilaabay in ciidamdii gobolka loo daadgureeyo dhanka Kismaayo. Marka laga soo tago maleshiyaadka sida firxadka ah ama dhuumaaleysiga ah ugu hayaamay dhanka Kismaayo, waxaa la ogaaday in 1400 oo si gaar ah ugu diiwaangashanaan dowladda Ethiopia loo daabulay dhanka Kismaayo.
Ina Xaaji Masalle oo isu dhiibay Salballaar: Waxaa arinka uga sii daray gudoomiyihii Jabhadda SNF oo ka degay magaalada Muqdisho, isuna dhiibay Jabhadii la oran jiray Salballaar, oo ay xilligaas xurgufhoose ka dhexeysay Ethiopia.
Faah-faahn go’aanka mr. Masalle: markii uu fashilmay shirkii Soodare oo fashilkiisa lagu eedeeyay dowladda Masar, waxaa furmay shirkii Qaahira, waa kii kooxihii soomaalida ahaa cadaadis xoogan kala kulmeen dowladdda Masar oo damacday inay ku qasabto heshiis qoor qabad ah, Masar waxay go’aamisay in jagada ugu sareysa dalka loo dhiibo Xuseen Caydiid, jagada labaadna loo dhiimo Cali Mahdi, sidaasna lagu afmeero murankii ka dhex aloosnaa kooxaha soomaalida, cidii ka hortimaadana waxay ugu goodisay inaysan ka dhoofi karin Garoonka Qaahira, welibana xabsi loogu dari doono, iskaba daa inuu ka dhoofo Qaahira.
C/yusf & Gabyow oo ganafka ku dhuftay go’aanka Masar: Go’aanka Masar waxaa ku gacan seyray Marxuum C/llaahi Yusuf iyo Mmarxuum Aadan C/llaahi Nuur Gabyow, oo ku dooday inaysan xaq ahayn in awooda dalka loo gacangeliyo hal beel, Saacado yar ka dibn waxay iska dhiibeen safaaradda Ethiopia ee magaalda Qaahira, maadaama dowladda Masar ku goodisay in qofkii amarkeeda diida xabsiga la dhigi doono.
Adan Gabyow iyo Abdullahi Yusuf waxay maalmo ka dib ka soo dageen Puntland, halkaasoo Generaal Gabyow reer Puntland u jeediyay khudbad taariikhi ah, nuxurkeeduna ahaa isku tashi iyo inaysan jirin cid u maqan oo ay wax ka sugayaan oo aan Alle ka ahayn, wax yar ka dib waa kii marxuum C/laahi Yuusuf ku dhawaaqay Dowladda maanta jirta ee Puntland.
Sdii caadada u ahayd inta badan siyaasiyiinta gobolka Gedo, Generaal Cumar Xaaji Masalle waxuu qaatay go’aan khaldan, waxuu khilaafay saaxiibadii C/llaahi Yusuf iyo Gabyow.Iinta saxiix ku jiiday warqadihii Masaarida soo dhigtay ayuu weliba ka degay magaalada Muqdisho, isuna dhiibay Jabhad la mid ah tii uu madaxda ka ahaa, oo weliba uu hogaaminayo wiil yar oo askari ah.
Ethiopia oo carootay:- marka hore Ethiopia iyo Salballaar iskuma fiicneyn, Masarna warkeedaba daa, gudoomiyihii SNF ee ay hubka badan siisay ciidamada badanna u tababartay waxuu guntiga u galay wiil yar oo lagu magacaabo Xuseen Caydiid, awoodii iyo sharaftii uu lahaana waa arki waayay.
Sidoo kale Ethiopia waxay ogaatay in ciidamadii ay tababartay iyo hubkiiba loo adeegsaday meelaan qorshahaba ugu jirin, waxayna qaadatay tallaabooyin dhowr ah oo jawaab celin ah,
1)waxay gebiahaan joojisay tababaradii maleeshiyaadka, iyo hubkii sida deeqsinimada leh loo siinayay maleeshiyaadka gobolka Gedo,
2) waxay bilowday in maleeshiyaadka tirada yar ee ku soo haray deegmooyinka xuduuda u dhow si aan caadi ahayn loo kontoroolo, rasaastana ciriiri laga geliyo, islamarkaana qasnadaha iyo rasaasta-yar looga tiriyo saacad saacad.
3) Waxay amartay in la kala doorto Ethiopia iyo salballar, oo aan labadaba laisku heli karin.
4) Waxay gudoomiyaha Jabahadda SNF u magacawday Dr Cali Nuur, maadaama Ina Xaaji Masalle Salballaar isu dhiibay.
Marka halkaas la marayo waxaa bilowday dagaal lagu halaagsamay oo dhexmaray taageerayaasha SNF oo u kala jabtay laba garab, garabka Dr Calinuur-Etthiopia, iyo garabka Ina Xaaji Masalle-Salballaar.
Waxaa dagaaladaas lagu dilay Dr Cali Nuur, iyo rag kaloo badan oo ka kala tirsanaa labada garab, sida ni la oran jiray Xassan Ugaas, sidoo kale raggii dhaawacmay waxaa ka mid ahaa, Khaliif Qoryooley, halka nin la oaran jiray Xassan Deer Ethiopia xabsiga u taxaabtay, dhanka kale waxaa dhanka Kenya u baxday rag badan oo uu ka mid ahaa Xaaji Yuusuf Muuse, oo horay dhiisi uga ahaan jiray degmada Beledxaawo.
Dagaaladan u dhexeeyay taageerayaasha ururka SNF, waxay gobolka u horseedeen fitan hoose iyo colaad ku saleysan Jifo-jifo iyo qoys-qoys, taasoo ah mida ilaa maanta kala qo’qobtay bulshada gobolka Gedo.
Ugu dambeyn Ina Xaaji Masalle oo ilaa sanadkii 2000 ku sugnaa magaalada Muqdisho, waxay danta ku kaliftay inuu magangalo dalka Mareykanka, xilligaas wixii ka dambeeyana warkiisa lama maqal. Waxaa xusid mudan in Intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho loo balan qaaday in xil muhim ah looga magacaabi doono Dowladda Abdilqaasim Salaad, taasoo markii dambe been noqotay.
Iskaba daa in ina Xaaji Masalle Jaga loo magacaabo, guud ahaan bulshada Gobolka Gedo ayaa lagu dulmay dowladii Cabdilqaasin.
Tusaale, Beesha Sade waxaa la siiyay 1 Wasiir, halka beesha Murusade oo gebiahaanba degto laba xaafadood oo Muqdisho ah iyo xaafad ka mid ah degmada Ceelbuur la siiyay laba Waziir. Madaxda gobolka Gedo waxaa lagula taliyay inay qaranka u samraan.
Akhristow waxaa halkaas ku luntay fursadii labaad, gebiahaan juhdigii la bixiyay iyo dagaaladii lagu halaagsamay sanadaha badan, wixii dhalin juf-baxday iyo wixii burbur soo gaaray bulshada gobolka, dhammaan waxaasoo dhan waxay noqdeen bilaa u jeedo, mana jirin wax hadaf ah, ama ujeedo ah, oo laga lahaa, oo aan ka ahayn “Burburin iyo dhiig-daadin”.
Akhristow markan waxay seefta saarantahay Gobolada Jubooyinka
Xuquuqda qoraalkan waxay u dhowran tahay Qoraaga ku saxiixan, lama ogola in wax ka bedel lagu sameeyo ogolaansho la’aan. Waa la ogol yahay in la faafiyo hadii la xusayo magaca milkiilaha.
la soco qebta xigta & Fursadii 3 aad
—————————————————————————
FURSADII 3 AAD (3)
Waxaa har-cad laga soo huleelay gobolka Gedo oo xiligaas la holcayay fitan hor leh iyo dagaalo sokeeye. Gobolka oo markii horeba la il’darnaa burburka iyo baabi’ii ka soo garay dagaaladii lala galay USC iyo Al-Itixaad, ayaa markan waxaa ka holcay dab, fitan iyo dagaalo sokeeye oo degmo-degmo iyo jifo-jifo ku saleysan, fitantaasoo ka dhalatay maamulxumadii mas’uuliyiinta gobolka.
Markii la yimid gobolada Jubooyinka ee la qabsaday magaalada kismaayo, la iskuma deyin in magaalada maamul loo sameeyo, ama dib u heshiisiin iyo soo dumasho loogu baaqo dadkii la qabsaday ee degaanka loogu yimid, taas bedelkeedana waxaa isbaheysi lala galay beel ka mid ah beelaha soomaaliyeed oo weliba degan deegaan aad uga fog gobolada Jubooyinka, isbaheysigaas oo loogu magacdaray “Dooxada Juba”.
Fowdo iyo xasuuq: Iskaba daa in Kismayo maamul loo sameeyo, xittaa lama awoodin xakameynta maleeshiyadii la watay, maamiln walbana waxaa la maqlayay is rasaaseyn iyo madaafiic lagu tuuray Dekadda iyo Airportka Kismaayo, ilaa markii dambe la isaga hor yimid dagaalo fool ka fool ah oo ay dad badani ku leedeen.
Sida ay xaqiijinayaan dad xog’ogaal ah, sanadihii uu Barre Hiiraale maamulayay magaalada kismaayo Maleeshiyadiisa waxay iska dileen wax ka badan 1200 oo maleeshiyo.
Tira sugan lagama hayo dhimashada, dhaawaca, burburka iyo barakaca soo gaaray bulshada Jubooyinka, siiba Kismaayo,balse sida la sheegay waa mid xad dhaaf ah oo gaarsiisan heer lagu tilmaami karo “xasuuq iyo musiibo qaran”.
Xiriirka Barre iyo Bulshada: Barre hiiraale iyo bulshada Jubooyinka maysan lahayn wax xiriir ah, taas bedelkeedana waxaa ka dhexeeyay Khilaaf iyo colaad, maadaama uu xoog ku qabsaday,raalina kamaysan ahayn maamulkiisa.
Barre iyo maamulkiisa waxaa ka dhexeeysay colaad: Akhristow sidaan soo xusnay Maleeshiyaadii uu watay Barre waxaa ka dhexeeyay Khilaaf iyo colaad, oo waa iyagii dagaalamayay maalin walba,
Sisoo kale Barre iyo saraakiishii ka ag dhaweyd waxaa ka dhexeeyay Khilaaf iyo Colaad, sida Col. Cabdi Cigaal iyo Gudoomiye Jaamac Aden Dheere oo labadaba kula dagaalamay gacan ku haynta Kismaayo,
-Xitta isbaheysigii uu keenay kismaayo Barre way iskhilaafeen markii dambe. Halkan hoose ka daalaco warbixin ay diyaarisay weriye Sahra Cabdi Axmed oo xilligaas shaqaala ka ahayd magaalada Kismaayo.
http://www.hiiraan.com/news/2006/sept/wararka_maanta22-66.htm
Dekadda iyo Garoonka: Dhaqaalihii faraha badnaa ee ka soo xaroonayay Dekadda iyo Garoonka waxa loo adeegsaday laaloosh iyo sasabasho hogaamiye-kooxeedyo ku sugnaa gobolo kale, sida, Shabelada-hoose/dhexe, Banaadir, iyo gobolka Bay.
Barre Hiiraale oo ahaa madaxa maamulka Dooxada-Jubba ayaa ku rajo weynaa in raggan u soo gurman doonaan hadii laisku deyo in laga faramaroojiyo Dekadda iyo Airportka oo ahaa hamigiisa siyaasadeed.
Akristow ila wadaag Faalo 17 May 2007 lagu daabacay Allgedo.com, oo looga hadlay maamulkii Dooxada Juba:
“Barre waqtigii dheeraa ee uu xukumayay magaalada Kismaayo waxuu si xun u isticmaalayay dhaqaalihii faraha badnaa ee kasoo galayay dekedda Kismaayo, isaga oo dhaqaalahaasi saami aanay kasban ka siin jiray qaar ka mid ah hogaamiye-yaashii Muqdisho iyo Digil iyo Mirifle.
Dhanka kalena, maamul xumadiisa gobolada Jubooyinka waxay u hor seeday in ay ka hor keento qaar ka mid ah hogaamiye-yaashii iyo ciidankiisii laf dhabarta u ahaa maamulkiisa sida: Col. Cabdi Cigaal iyo Gudoomiye Jaamac Aden Dheere oo labaduba ay dagaal isaga hor yimaadeen magaalada Kismaayo.
Mudadii uu Col. Bare Hiiraale gobolada Jubooyinka xukumayay, dadweynaha ku dhaqan goboladaas waxay ku jireen qas iyo jaho wareer kaga imaanayay maamul xumada Bare Hiiraale. Haddii aad si fiican isha u mariso qaar ka mid ah qoraalada hoose ee allgedo kasoo gaaray gobolada Jubooyinka xiligii uu Bare Hiiaale maamulayay, waxaad si fiican u dareemi kartaa in ay goboladaasi mudadii uu xukumayay ay ku jireen qas iyo jahawareer siyaasadeed iyo mid nabad-gelyo la’aaneed”.
halkan ka tix raac faalada Allgedo: http://www.allgedo.com/Phoenix/bare%20hiiraale%20iyo%20tn%20news.htm
Akhristow waxaan filayaa inaad tuujisay xididka kore, oo aad si fiican uga bogatay faalada Allgedo. Sidoo kale waxaan rajeynayaa inaad fahamtay nuxurka faalada Allgedo. Qoraaga faalada waxuu qeexay in Col. Barre uu ku wanaagsanaa dagaalada oo keliya, balse uu ku fashilmay wixii ka soo haray dagaal, taasoo ka dhigan in Korneylku yaqaano, keliya sida wax loo dilo, loona barakiciyo.
Taas waa nuxurka iyo aragtida qoraaga, oo weliba in badan ku dadaalay inuu keeno wax-uun wanaag ah oo uu leeyahay Barre Hiiraale,
Akhristow waxaan ku soo gunaanadayaa 3 dhacdo oo xasuus gaar ah u leh bulshada gobolka Gedo, kuwaasoo lagu xasuusan doono siyaasadxumada Col. Barre Aadan Shire (barre hiiraale):-
1) Sidaan ku soo xusnay qeybta hore ee qoraalka, markii la riday dowladii dhexe ee dalka, Barre waa ninkii qorsheeyay inuu qabsado guud ahaan Soomaaliya, asaga oo wata maleeshiyo beeshiisa ah, iskuna deyay inuu Muqdisho qabsado, ka dibna salaan sharaf lagu siiyo Villa-Soomaaliya. Dagaalkii habqanka ahaa iyo jabkii ka raacay waa anagii ka soo sheekeynay.
2) Barre waa ninkii dhalinta beeshiisa ku halaagay dagaalkii Bu’aale, xilligii Maxkamadaha. Markii lagu khiyaamay Isbaheysigii Dooxada Jubba, oo raggii isbaheysiga kula jiray iyo Maxkamadaha heshiiyeen, waa kii lagu amaray inuu isa soo dhiibo, waa kii u baxsaday dhanka gobolka Gedo, Barre waxuu soo abaabulay maleeshiyaad yar oo beeshiisa ah markaasuu soo weeraray Ciidamadii Maxkamadaha oo ka koobnaa soomaali weyn.
Waxaa xusid mudan in Ugaas Cumar Ugaas Xirsi iyo mas’uliyiin kale ay Barre kula taliyeen inuu ka joogo qar iska xoornimada, balse wuu ku gacanseyray. Qorshaha dagaal ee Barre waxuu ahaa inuu cagta mariyo ciidamadii maxaakiimta, asaga oo wata ciidamo beeshiisa ah, taasna jabkii ka raacay waa la ogaa.
3) Dagaalkii ugu dambeeyay ee uu la galay maamulka Juba, waa tusaale kaloo muujinaya farsamaxumada Barre. Barre waxaa laga tahriibiyay Muqdisho, waxuuna yimid magaalada Kismaayo, Kismaayo waxaa ku sugnaa ciidamo kumanaan ah oo daacad u ahaa maamulkii ku meelgaarka ahaa ee Juba. Waxay ahaayeen ciidamo xoogan aadna u hubeysay oo la qorsheeyay in lagula dagaalamo Al-shabaab.
Sidoo kale waxaa magaalada joogay Ciidamada Amisom ee ka socda dalka Kennya, korneylka markii uu yimid magaalada ciidamada Amisom waxay amar ku siiyeen inuusan abaabuli karin waxa dagaal ah, iskaba daa dagaale, xittaa waxaa loo sheegay inusan abaabuli karin mudaaharaad iyo falal aminiga wax u dhimi kara.
Hadafka Korneylku waxuu ahaa inuu gebiahaan magaalada ka sifeeyo ciidamada maamulka Juba, iyo weliba ciidamada caalamiga ah ee Amisom.
Subixii dambe Barre inta uu abaabushay maleeshiyaad beeshiisa ah ayuu dagaal ku dhawaaqay, waxuuna sheegay inuu magaalada ku sifeyni doono saacado kooban, tanna wixii ka dhacay waa la ogaa.
Col.Barre, inkastoon waqti dhow codkiisa la maqal, hadana markii dad ugu wardambeysay waxuu ku sugnaa duleedka magaalada Kismaayo, waxuuna sheegtay inuu yahay madaxweynaha Jubaland.
Xuquuqda qoraalkan waxay u dhowran tahay Qoraaga ku saxiixan, lama ogola in wax ka bedel lagu sameeyo ogolaansho la’aan. Waa la ogol yahay in la faafiyo hadii la xusayo magaca milkiilaha.
la soco qebta xigta , maanta iyo siyaasiyiinta Gedo & Fursadii 4 aad
——————————————————————————–
Maanta & Siyaasiyiinta Gobolka Gedo
Maanta oo ah 8 bisha Febraayo sanadka 2014, waxaan aragnaa mas’uuliyiin weli u hamuun qaba dagaal, barakac iyo baa’ba hor leh, sida Col. Barre Hiiraale, Maxamed Abdi Kaliil, Maxamuud Sayid, Sh. Maxamed Yusuf Awlibaax, Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Al-Qaadi, Gen. Mohamed Xassan Looyaan, (madoobe), Cabaas Gurey, Warfaa sheekh Aadan, Caabdi shire. iyo qaar kale.
Dhamman mas’uuliyiintan, iyo qaar kaloo la mid ah, waa kuwa maanta hortagan harumarka iyo nolosha bulshada gobolka Gedo, sidoo kale waa raggii loo adeegsaday dagaalkii lala galay Maamulka Jubba, welina rajaa laga qabaa in mustaqbalka la adeegsado, (waa hadii jaanis kale la helo).
Darajo been ah:- inta badan ragan Titlada iyo magacyada ay wataan waa been-abuur, marka laga reebo Barre Hiiraale iyo Cali madoobe, kumana jiro nin leh khalfiyaad siyaasadeed oo umad lagu hagi karo.
Tusaale, ina Kaliil iyo Cabas Gurey:
Kaliil: Kaliil ma soo marin askarinimo, wax barashana warkeedaba daa, waxuu ahaa nin siduu Geeliisa uga yimid ku biiray maleeshiyaadkii SNF ee inta tabar bilooyin ah la siiyay lagula dagaalamay Alitixaad, ilaa iyo hadda waxuu dabada hayaa qorigii uu ku indho bikaacsaday.
Xilka gudoomiyonimada waa iska xoogsi, Xussan fareey oo ahaa gudoomiyaha gobolka xilligii dowladii marxuum C/llaahi Yusuf ayuu gudoomiye ku xigeen u ahaa, sababta xilka gudoomiye ku xigeenka loogu dhiibayna waxay ahayd si loo qanciyo beesha uu ka soo jeedo (reer Xassan) ee ma ahayn in lagu xushay karti. Markii ay Alshabab gobolka qabsatay oo uu Xuseen Farey ka qaxay gobolka ayuu gudoomiye iska sheegtay.
Cabaas: Cabaas waxuu ka mdi ahaa askartii la qoray markii ay sii liiceysay dowladii dhexe ee dalka, waxaa si degdeg ah lagu siiyay derejada”isbatoore”, Korneylnimada waa been, Isbatooranimadaana xoogsi ah.
Cabaas waxuu ka fallaagoobay ciidamadii dowladda waagii ay dowladda sii liiceysay, waxuu ahaa nin jaadka ku waalan, taasoo ah mida keentay inuu fallaagoobo. Waxuu jaadka u kala tahriibiya dalalka Kenya iyo Soomaaliya, Wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee dalka, waxuu hogaamiye u noqday maleeshiyaad xoolaha ka dhici jiray gobolada Jubooyinka.
Cabaas waxuu ka faaideystay bulshada gobolka oo aan hubeysneyn,taasoo u sahashay inuu dhaco xooloo farabadan oo isugu jira Geel, Lo iyo Ari.
Isku soo wada xoori, kooxdan waxaa hormuud u ah Barre Aadan Shire oo ku caan baxay talaxumo iyo Barakicin bulsho, waxay ka mideysan yihiin oo keliya is hortaaga harumarka guud ee bulshada, ma ogola inay la shaqeeyaan maamulka Jubba, hadana ma hayaan wax qorshe ama badiil ah oo ay umadda ku qanciyaan,
Sidoo kale, ma ogola in wax maamul ah laga sameeyo gobolka Gedo, ama la mideeyo bulshada gobolka, taas bedelkeedana waxay ka shaqeeyaan kala fogeynta bulshada gobolka.
Sidaan la socono dhamman degmooyinka gobolka waa la kala qoqobay wax wada shaqeyn ahna kama dhexeyso, degma walba iyo dadkeedana waxaa meel cidla ah ku ootay horjooge daneyste ah.
Dhinaca kale iyaga dhexdooda heshiis ma aha, qaarbaa ku xiran Beydhabo oo qaba maamul goboleed ka kooban 6 gobol, halka qaarna ay sheeganayaan Ahlusunna oo waa hore laga soo gudbay.
Qaarbaa sidoo kale aaminsan in gobolka Gedo la hoos geeyo Muqdisho sida, Gen Madoobe, halka qaarkalana sheeganayaan dowladnimo, iyada oo la og yahay inaysan wax wadashaqeyn ah ka dhexeynin dowladda dhexe, keliyana la adeegsado markii la rabo in howl lagu fushado, sida Barre Hiiraale, iyo Ina Kaliil.
Gunaanad: waxaan ku soo gunaanadayaa, sax ma aha in bulshada gobolka Gedo u lugxirnaato 5 nin oo qabqablayaal ah, oo bulshadii jid iyo jiho u diiday, dhalintii gobolkana dab saaray.
Shakki kuma jiro in bulshada gobolka laga helayo dad badan oo wax garad ah, oo ka damqanaya sida qaabka daran ee ay hadda wax u socdaan, balse waxaad moodaa inay aad u gaabiyeen.
Waxaan ugu baaqayaa waxgaradka gobolka iyo maamulka Jubba inay xil iska saaraan wax ka qabashada ragan, iskana kaashadaan sidii gobolka loog xoreyni lahaa raggan manaxayaasha ah, sidii hadda ka horba Muqdisho looga xoreysay qabqablayaashii umadda diirtay. Waxaan qabaa in kooxdani ka shar badan tahay ururka Al-shabaab.
Xuquuqda qoraalkan waxay u dhowran tahay Qoraaga ku saxiixan, lama ogola in wax ka bedel lagu sameeyo ogolaansho la’aan. Waa la ogol yahay in la faafiyo hadii la xusayo magaca milkiilaha.
Bishar haji
b.haji114@hotmail.com