2013-11-17

Ilaahow adaa weyn oo waaxid ah. Ilaahow Aqoonna ha nagu cadaabin Eexna ha nagaga tagin.

Nacweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waa hogaamiye qaran oo qaba, xilka uu u hayo ummadda Somaaliyeed in loo iibiyey. Xasan wuxuu aaminsanyahay inaan cidina ka dabahadli karin inta uu dhammaysanayo mudada uu u kireysanyahay xafiiska uu maanta fadhiyo ee uu ku matalayo Shacabka Soomaaliyeed ooy ka hadhsantahay saddex (3) sanadood.

Dillaalweyne Faarax Abdulqaadir, waa Hoggaamiyaha dahsoon ee ruuxiga ah ee kooxda Dam-Jadiid (Dhiiga Cusub) oo uu xubin ka yahay Xasan. Faarax iyo kooxdiisu, iyagoo adeegsanaya lacagayow farabadan oo qayb ka ahaa dhaqaale loogu talagalay in lagu bur-buriyo waddamo ay ka mid tahay Soomaaliya ayey u suurta gashay in ay Maalgalin balladhan kula wareegaan Hannaankii Dowladnimo ee wadanku lahaa. Si hawlyar waxey heshiis hoose ula galeen Koox kale oo ah Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya. Dam-Jadiid, waxey si fudud ugu guuleysteen iyagoo doolar adeegsanaya iney Xasan oon Soomaali aqoon ay u leedahay daayoo, horey Magaciisana u maqal ay u iibiyaan Xilka uu hadda hayo.

Faarax (Hoggaamiyaha Qaranka een dahsoon) wuxuu qabaa in uu isagu leeyahay awoodda ugu sareysa ee Dowladnimada Soomaaliya. Faarax wuxuu hadaba aaminsanyahay in Xasan iyo cidii kale ee Xasan magacaabey iyo Xubnaha Baarlamaanka, aaney mid koodna ka daba hadli karin inta ay u kireysanyihiin ooy ka hadhsantahay Saddex (3) Sanadood.

Danbiweyne Jawaari-Maxamed Cusmaan, waa Hogaamiyaha Xubnaha (Ma Dhibaanada) ee Baarlamaanka Soomaaliya. Af Soomaaligu waa margi ee yaan macnaha Ma Dhibaan meel kale lala aadin. Waxaan Xubnaha Baarlamaanka Ma Dhibaan ugu bixiyey, waayo waa dad aanuu marnaba dhibin xilka loo xambaarshey oo xalaashadey: Xaqqa Dalka & Dadka oy duudsiyaan, Xaaraantoo ay quutaan, Xaajadoo ay xumeeyaan, Xantoo ay ku naaloodaan iyo Xal koo ay xabaalaan.

Waxaan halkan ka qirayaa, in dad Akhyaar ah, Xil Kas ah, Culimaa’u Diin leh, Aqoonyahanno leh, wadaniyiin leh ay ka mid yihiin Ma Dhibaanada (xubnaha) Baarlamaanka.

Hasa yeeshee waxaa magacani sababsaday kuwa aan xiku dhibin ee u badan:

1. Da’weyne Damac yar

2. Cirroweyne Cilmi yar

3. Tuugsiweyne Talo yar

4. Dhererweyne Dhug yar

5. Cirweyne Caqli yar

6. Dirirweyne Dowladnimo yar iyo

7. Waranweyne Wadaninimo yar

Xubnahan u badan kuwan kor ku xusan, waxay qabaan in ay beelahoodu meesha keensadeen. Qaar baa waxay qabaan inay Ma Dhibaanimadooda jifooyin kale oo ka mudnaa looga soo dhacay, oo hab sad bursi ahna loo Ma dhibaaneeyey sidaana ay ku fadhiyi doonaan inta xaqqu feedhaha ka dilaacayo.

Qaar ka mid ahi oo u badan Qurbojiif hore waxay qabaan inay hab maalgashi ah ay dalka u yimaadeen, dhaqaale farabadanna ku iibsadeen Ma dhibaanimadooda. Qaar kale waxay qabaan inay xiliyadii dagaalada sokeeye ay Hoggamiye Kooxeedyo, Qasweyneyaal (Yaan kalmadda Qasweyneyaal meel kale loola baydhin. Waa kuwa wax qasa ee nabada carqaladeeya) Darbiyo difaaca Beelahooda ahaayeen abaalgudna looga dhigay kuraasta Ma dhibaanimada ee ay ku fadhiyaan.

Isku wada duubuu, Ma dhibaanadu waxay aaminsanyihiin, inay dhintaan mooyee in aaney dhici Karin lana badali Karin, inta ay dib ulasoo noqonayaan waxay maal ku bixiyeen iyo inta odey dhaqameedyadii Beelahoodu u kireysanyihiin iyaga oy ka hadhsantahay Saddex (3) Sanadood.

Danbiweyne Jawaari wuxuu qabaa inuu isagu yahay ninkii Dam Jadiid u fududeeyey maalgashigii iyo iibsashadii ay kula wareegeen Xubnaha Baarlamaanka. Wuxuu qabaa in mar walba loo baahanyahay si sharci looga dhigo damaca duudsiga ku salaysan ee Dam-Jadiid.

Wuxuu si foolxun oon sharciga waafaqsaneyn u adeegsadaa, awoodiisa gudoomiyenimo.

Wuxuu aaminsanyahay mar hadii isaga iyo Ma Dhibaanadiisu u kireysanyihiin difaaca danaha kooxda Dam-diid in aan laga maarmi Karin oo difaacooda marwalba loo baahanyahay, oon laga daba hadli Karin sidaana ay ku dhameysan doonaan mudada ay Dam-Jadiid u kireysanyihiin oy ka hadhsantahay mudo dhan Saddex (3) Sanadood.

Hurdoweyne Saacid waa Wasiirka Kowaad ee qaranka. Wuxuu qabaa inuu ka soo jeedo Beel ka mid ah Beelaha waaweyn ee Soomaaliya. Wuxuu qabaa inuu xilka uu hayo uu ku helay qaabka awood qaybsiga Beelaha Soomaaliyeed.

Wuxuu qabaa in Dastuurka Dalka u yaala uu awood badan siinayo oo uu isagu leeyahay awooda sare ee fulunta. Wuxuu hadaba aaminsanyahay inuu ku tiirsanyahay laba buurood (Beelood)- – - – - – - oo lagu darey awooda Baarlamaanka oo sharcigu difaaci doono. In Ma Dhibaanada Baarlamaankuna siin doonaan codkooda kalsoonida. Sidaana uu ku dhameysan doono mudadii loo magacaabey oy ka hadhsantahay mudo dhan Saddex (3) Sanadood. Saacid wuxuu dadka kale kaga duwanyahay, isagu markuu maqlay is casil ayuu awoodiisa ogaadey.

Waxa la yidhi: Caano nin lisay la ogyahay, nin kastaaba ha sido.

Hurdoweyne wuxuu garanwaayey in xilkan uu hayo, beeshiisu qayb ahaan haba u hesho hadey doontee uu isaga sodon (30) ay isku beel yihiin Nacweyne kala soo dhexbaxay, sidaana ugu magacaabey Wasiirka Koowaad ee qaranka.

Wuxuu garanwaayey in Nacweyne haba magacaabee ay talada Dalkani ka go’do Dillaalweyne Faarax, oo Nacweyne laftiisa u iibiyey kursiga uu ku fadhiyo, Beeshiisu qayb haba u hesho hadey doontee.

Wuxuu garanwaayey in Ma Dhibaanada Beelahan uu ku tiirsanyahay ee uu isku haleynayo iyo kuwa kaleba ay u kireysanyihiin Dam-Jadiid iyo Dillaalweyne Faarax.

Wuxuu garanwaayey in Danbiweyne Jawaari, labadiisa ku xigeen iyo intooda badan Ma Dhibaanada Baarlamaanku u kireysanyihiin Dam-Jadiid iyo Dillaalweyne Faarax.

Iskusoo wada duuboo, wuxuu hurdoweyne garanwaayey, in nika iyo kooxdiisa gacanta ku haya talada Dalka waqtigan la joogo ee wax ka go’aani uu yahay Mr. Dillaalweyne Faarax.

Waxay reer Xamarku yidhaahdaan: Geel indhakuul maxaas ka kasaa. Waxaa cad oon cidna ka qarsooneyn in uu Hurdoweyne Saacid uu haba yaraatee waxba ka kasi waayey kuna jahawareerey siyaasada Dam-Jadiid ee loo adeegsadey Nacweyne Xasan kuna salaysan:

* In Gobolada Soomaaliyeed qaarkood la koriyo, kuwana la kala tuuro oo la cadaadiyo.

* In Beelaha qaar la isu duduwo lana xoogeeyo, qaarna la kala qaybiyo, fidno iyo colaadna laga dex abuuro iyadoo loo adeegsanayo Hurdoweyne Saacid (oo wax lakala macaashayaba u warhaynin) iyo Hoggaamiyaha qaranka Nacweyne Xasan.

* In iyadoo dhaqaale baaxad leh la adeegsanayo, dhammaan awooda dowladnimo ee dalka lagu soo uruuriyo gacanta Xisbigan diiniga ah ee Dam-Jadiid.

* In ilaha dhaqaale ee dalka dhamaantood lagaliyo gacanta Dam-jadiid. Iyadoo la sameynayo Shirkado lagula wareegayo mashaariicda dalka dhamaantood. Isla markaana la abuuro ganacsiyo kale oo lagu meydho boolida laga soo boobo deeq bixiyeyaasha caalamka, iydoo aynu la socono Fadeexaddii Bangiga Dhexe & Yusur.

* In dhaqaale badan lagu bixiyo sidii haya’dda sharci dejinta dalka loogu koobi lahaa gacanta Xisbigan dahsoon ee Dam-Jadiid, si marba qodobo looga badalo oo loo waafajiyo damaca waalan ee Dam-Jadiid.

* In lawada Dukaameysto, dalka iyo dibadda la isaga duulo, danjirayaashana lagu daneysto, si deg-deg ahna loo soo celiyo xoolihii wixii lagu maalgaliyey lawareegidda hannaanka Dowladnimo iyo Dhaqaale ee Dalka.

* In la badbaadiyo oon dalka marnaba la wada sifeynin Kooxda nabad diidka ah, si aan loo waayin damaca iyo danaha ay wadaagaan iyaga & Dam-Jadiid.

Hurdoweyne Saacid, waxaa loo adeegsadey in uu burburiyo nabadii iyo wada jirkii ay ku naalooneysey beesha uu ka soo jeedo. Isagoo ka qayb qaatey holcintii colaada Jubbaland.

Wuxuu sababey markii ugu horeysey in uu laba u kala jabiyo Jiffada hoose ee uu ka soo jeedo oo uu garab ka mid ah ku xoogeeyo dhaqaale iyo hub loogu talagaley in lagu raali galiyo damaca waalan ee dam-Jadiid.

Hurdoweyne waxaa laga maarmay oo dantii laga lahaa dhamaatey maalintuu Dillaalweyne Faarax qarwaaqsaday, in cadaadis iyo colaad ay ku sii hayaan Maamulka Jubbaland ay horseedi karto bur-bur ku yimaada hamigii Dam-Jadiid ay ka lahaayeen hanashada dhammaan heykalka Dowladnimo iyo ilaha dhaqaale ee Dalka.

Waxay si lama filaana, iyagoo adeegsanaya mid ka mid ah kuwey u adeegsadeen Colaada iyo ka hortagga Maamul Goboleed ka hanaqaada Gobolada Jubbooyinka & Gedo oo ah Nacweyne Xasan ay xaliyeen khilaafkii u dhaxeeyey Xisbiga Dam-Jadiid iyo Maamulkii Dhirbaaxaweyne Axmed Madoobe ee Jubbaland State.

Hurdoweyne heshiiskii ka dhacay Addis-ababa wuxuu aaminsanaa inuu yahay dhalanteed iyo xeelad siyaasadeed. Isagu taagga wali wuxuuba ku mashquulsanaa hurintii, hubeyntii iyo dib ula soo noqoshadii Jubbaland.

Waxaa la yidhi: Wan weyni ilaa la gawraco indhihiisu cirka ma arkaan.

Wuxuu waagu u baryey oo uu indhaha kala furey markuu arkay Dhirbaaxaweyne Axmed Madoobe oo Fiiladii ku xigtey ee isaga laga soo magacaabey ka soo toosey. Iyadoo ay barre & Baasto banaanada beerka dhulka ku hayaan.

Maalinkaasuu sii kordhey khalkhalkiisii siyaasadeed. Maalinkaasuu billaabey inuu Farmasiiye ka qadeeyo. Maalinkaasuu go’aansadey inuu ka takhaluso, ninka uu isagu u haysto inuu yahay Wasiirkiisa Madaxtooyada Dillaalweyne Faarax.

Waxaa la yidhi: Nirigtaad naaska u diidaa, afartaba wey kuu diidaa.

Waa ninka garanwaayey Caanaha uu dhamey ninka lisey, ninkii doonaaba ha ku habee. Wuxuu la shir yimid magacyo uu yidhi waa wasiiro, oo laga waayey Dam-Jadiid uu u horeeyo Dillaalweyne Faarax Cadulqaadir Topas oo uu ku furanyahay Dhaqaale farabadan oo salka ku haya dakhli ka soo baxa Badrool & Gaas baaxadweyn oy la daba taaganyihiin Dowladaha loo adeegsado kuwa la burburinayo.

Waxaa la yidhi: Lugtu haddey jeeniga dhaafto wey jabtaa. Falkaa aan siyaasadeysneyn een ka fiirsiba lahayn ee Hurdoweyne ayaa soo dadajiyey in lagu soo cabbeeyo Nacweyne Xasan oo haatan Soomaali wada ogaatey in aanu go’aanba isagu laheyn ee u kireysanyahay danaha Dowlado shesheeye iyo kuwo loo adeegsanayo ka dukaameysiga Dadka & Dalka Somaaliyeed, isaguna danihiisa gaarka ah iyo Doolar gurubsi buu meesha u joogo.

Waxaa la yidhi: Gorayadu ciyaarta lug bey ku gashaa hadday hagaagtona labadaba way isugu geysaa.

Nacweyne Xasan mar hore ayuu Hurdoweyne mustaqbalkiisii siyaasadeed buur dheer fiinteed intuu saarey ka soo tuurey.

Mudane Saacid, ayuu u direy Jubbooyinka. Wuxuu ku yidhi: kacoo Kismaayo booqo. Barre waa balaayo loo baahanyahaye buunbuuni. Buraale iyo Amiin na ku buuxi. Baasto iyo bahdiisana ku yara bishin. Balaayada iyagu ha billaabeen. Baaska iyo baaruuda, baasuukaha iyo bii em ku ha bamleeyo. Ninyahow baladkaasoo dhami ha bur-buro. Buuqa, baroorta iyo boobku ha bilaabmo. Bari danbaan imane ha lasii bisleeyo.

Markuu xaalkii xumaadey, markii warku soo gaadhey ee lagu yidhi, Barre iyo Baastaba Dhirbaaxaweyne Madoobaa helay oo barre Shabaabkii Sheikh Yuusuf bay dudrba u baxsheen. Baastana barritey mid usoo wadaan. Adigana saadanbey kuu baadh-baadhayaan.

Soo durba xulufeysigii Hurdoweyne kamuu wada baydhin. Markii wax laga weydiiyey Nacweyne, Colaadey Jubbaland ka wadeen isaga iyo Hurdoweyne, Soo muusan odhan:

War bad baan galay. Balag baa la ii lulay. Bisinka iyo yaasiinka. War anigoo baladkeena inaan mideeyo. Badarka iyo bariisba inaan ku beero. Badroolka iyo macdanta inaan ka baadho. Baadiye iyo magaalaba in la wada badhaadho. Boogihii la beeray inaan wada bogsiiyo. Iyo baaq nabada baryo kusii jeedin raba.

Soo Barre iyo Baastoo, Hurdoweyna ka socda, baqal iimey soo fuulin. Waxaad maal iyo mood hayso keen. Hubkana soo raaci. Anagaa Kismaayo kuu qabane, igumey odhan. Soo allah madhigu imay lumin. Iyagana lama bililiqeysan. Soo banaanka looma wada tuurin. Soo midkood dib iiguma soo laaban. Si kalaan wax u dhigey. Sahan baa inoo maqan, sirna waan kuu hayaa soo imuu odhan. Saaxiibadeenii, toos beynu ugu biiri, adna talaa lagaa rabaa iyo jihaad aad ku baaqdo, soo hoos iigumuu odhan.

Markaasaan wax dareemey. Dardaarankii hore ee Mudne Dillaalweyne Faarax dabbaqaadiisa bilaabey- – - – - – - – - -.

Waxaa la yidhi: Waayeel korkii waa wada indho.

Hurdoweyne Saacidow, waxaad garanweydey, waa siyaasad inagu wada cusub Soomaali badankeeduna ku wareersantahay. Waanuse wada aragnaayoo, waa mashruuc Dukaameysi oo kuli isku xidhan, kalidaa mooyee. Waa kooxo kudladiba kudlad u kireysantahay.

Waxyaabaha ku seegay inaad wax ku qaadato, waxaa ka mida: Kolkuu Dhabarweyne Ciilmooge ka dhiidhiyey boobkii caddaa iyo ka dukaameysigii caanka noqdey ee Garoonka Aden Cadde. Waa kii beesha caalamka qoraal qarsoodiya ugu wada qeexay bililiqadii lagu hayey hantidii qaranka.

Inuu kiraysanyahay waa kii ka baqay Dillaalweyne. Waa kii maalmo yar dabadeed dafirey waajibkiisii iyo xilkuu u hayey qaranka. Horaa loo yidhi wax dhabarweyni dhug ma leh. Wuxuu garanwaayey, qolyaha ay wax wada dillaalaan ee beesha caalamku, inay dhinaca kalena Dam-jadiid danaha Dalkan Soomaaliya ka wa dukaameystaan.

Dantii guud iyo damiirkiisiiba, wuxuu si fudud ugu doorsaday, xoogey doolar ah oo Dam-Jadiid u diyaarisey. Waa arimahan iyo kuwo kale oo badan kuwaad wax ku qaadan kareysay.

Waxaa la yidhi: Labadii xaqdarro ku heshiisaa xaqay ku collowdaa.

Waxaan idiin sheegayaa, Hurdoweyne Saacid iyo Nacweyne Xasan Khilaafkoodu manta wuxuu salka ku hayaa, arrimo farabadan oo murugsan oo labadoodan aynu aragno ka shisheeya.

Waxeynu ka soo qaadaneynaa oo kaliya xaqdarro iyo khalad ugub ah oy ku heshiiyeen. Waa mid labadooda & baarlamaankii shacabka matalayey ay kuligood intey ka gaabiyeen waajibaadkoodii Dastuuriga ahaa ay wax ka qabanwaayeen oo hadda gilgilay Xilalkey Ummadda u hayeen iyo himiladii Shacabka Soomaaliyeed ku naaloonayey. Waa heshiis Soomaali eeday, dib u dhac weynna u keenay, hannaankii Dowladnimo ee guud ahaan wadanka. Waa heshiis uu Hurdoweyne isugu dhiibey Nacweyne.

Waxaa la yidhi: Ragga ballan baa xidha, Dumarkana meher baa xidha.

Hadduu Saacid markii horeba Xilkiisii (iyadoo shacabka Soomaaliyeed uu ka sugayey, inuu u dhiso, Dowlad (Task Force) gurmad ah oo Dadka & Dalka ka saarta dhibaatadii ragaadisey mudada dheer, una horseedda, Dib u heshiisiin dhab ah, Cad-caddaan Dowladnimo, Nabadgalyo baahsan & Horumar la taaban karo oo dhan kastaba ah) iyo Xiniinyihiisiiba isugu daray Xasan, isagoon cidina qasbin oo raaligiisa ah, xeradana sidaa mudaba isaga dhex hurdey, waxba yaanuu haatan naf la caariga Xasan xag-xaganin. Haddaad manta baraarugtey, Ballantii (xaaraanta ahayd) ku xidhi weydey, adigaa cirka roob ku og. Towbadaba xili baa jira aan la iska aqbali doonin.

Gunaanadka Qoraalkeygan:

Hurdoweyne Saacid waxaan leeyahay: Sacidow, danbi naftaada ayaad ka gashey markaad ogolaatey in aad iska hurudo oo wax lagu faro mooyee aanad wax kale ku talaabsan. Markaad aamintey inaad hurdo iyo wax qabad la’aan aad ku bad-baadi karto, cidina xilka kaa qaadi doonin, haddaad amarka Nacweyne adeecdo.

Waxaad garanweydey, maah-maahdii reer Xamarka ee ahayd: Dariskaaga oo dagaalkaaga raba, Dooradaada iga cesho ayuu ku yiraa.

Danbina Shacabka Soomaaliyeed baad ka gashey oo xilkey kugu aamineen eed ugu dhaaratey ayaad ka seexatey. Waxaad Nacweyne kula heshiisey inaad tiisa ku shaqayn doontid adigoo tuuraya tii qaranka eed u dhaaratey. Waxaad ka gaabisey howshey Soomaliweyn kaa sugeysey oo taabaneysa hurumarka dhan kastaba.

Wax kaleba daayoo waxaa ku sababsaday isku duubnidii Jiffada aad ka soo jeedo. Hadduu Nacweyne Xasan ku yidhi iskasii soco, waa sidey Soomaali badankeed saadaalineysey. Waa saamigaaga saxa ah ood adigu sababteeda leedahay ee ninyahow iska saxeex. Shacabka Soomaaliyeed kama maarmaan waqti kale oo kaga luma isqab-qabsi oo horaa Sanad aad sabab si dadban ugu tahay uga lumay ee ku saacid in Dowlad kale oy ku nasiibsadaan loogu soo dhiso sida ugu deg-dega badan.

Garta waxaa ugu xun:

1. Ha lgaa gardaraado

2. Garab la’anna ka kaa hesho

3. Hana laguu graabi waayo

Danbiweyne Jawaari waxaan leeyahay

Dalka & Dadkaba waxaad ka galeysaa danbi fool xun. Hadaad ka dukaameysato Dastuurkii iyo sharcigii lagugu aaminey eed u dhaaratey. Hadaad gar iyo gardaroba aad is hortaagto wixii lid ku ah Kooxdan Dam-Jadiid.

Waxaan kugula talinayaa oon ku xusuusinayaa iney sharaftaada, iyo ta Dadkaaguba ku jirto inaad kirada ku koobto Sanadkii tagey ood usoo noqoto waxaad u dhaaratay iyo fulunta Dastuurka Dalka ee saxa ah.

Nacweyne & Dam-jadiid waxaan leeyahay

Waxaa la yidhi: Geeso biciid waa barbarro

Beelaha Soomaaliyeed ee Walaalaha ah, ee markii u horreysey waqti dheer dabadeed, neecaw yar oo nabadeed nuugaya, ha ka kala tuurina. Soomaalina ma wada kireysan kartaan. Beesha caalamkana ma wada khaldi kartaan, ogaadana in la idin ogaadey.

Shabeelooyinka sharka aad ka waddaan , shacabka aad shacab kale ku xoogeyneysaan ka joojiya . ku cibra qaata wixii ina soo marey iyo in Balaayadii ina soo martay khasaareheedii loo wada simanyahay. Waxaan idiinka digayaa inaad dhowrtaan miisaanka awood qaybsiga beelaha Soomaaliyeed. Waxaan idiinka digayaa inaad Jagada Wasiirka koowaad meel kale ula kacdaan. Waxaa iga talo ah in wasiirka koowaad uu ka yimaado isla Jiffadii hoose ee Cabdi Faarax Saacid oo aan meel kale loola cararin. Si looga hortago khilaaf hor leh waa in Jiffadaa fursad loo siiyaa in ay dhameystiraan xiliga hadhsan, mar hadii haykalka hadda jira miisaanka wax qaybsiga Beelaha uu sidaa ku dhisanyahay.

Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay:

Ninka tiisa daryeela ayaa tu kalena ku dara. Soomaalay sideynu ahayn sannadkii tagey, saddex kale aynu ku sii jirno, ma danbaa inoogu jirta? Jawaabtu waa maya. Hadeynuse Saacid difaacno, ogaada waxeynu difaaceynaa waa dantiisa gaarka ah iyo fursad aynu u siino inuu saddex sanadood oo kale iska seexdo oo uu ku sii hafto badda Dam-Jadiid inaguna sidaa ku weyno danaheenii guud.

Waxaan ilaahay ka rajeynayaa in uu Xasan sheikh markan ku beego Mudane noqda Sii-sii gii Soomaaliya oo Dadka & Daka ka bad baadiya kooxdan la inagu bur-burinayo- – - – - – -.

Mahadsanidin;

Ahmed A. Ali ahmedqadhabo@gmail.com

Show more